Wasiirka Gaashaandhigga oo Muqdisho ku qaabilay wafdi ka socda Ururka EASF
Wasiirka Gaashaandhigga Somaliya, Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac), oo uu wehliyo Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka, General Odawaa Yuusuf Raage ayaa maanta Xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga ee Magaalada Muqdisho ku qaabilay wafdi ka socda Ururka Ciidamada Heeganka Bariga Afrika ee East African Standby Forces (EASF).
Kulanka ayaa looga hadlay, sidii loo horumarin lahaa iskaashiga wadamada xubnaha ka ah Urur Goboleedka EASF, iyadoona wafdigan ay Caasimadda Muqdisho u yimaadeen qiimeynta xaaladda amni ee dalka iyo sidii Somaliya looga taageeri lahaa arrmaha amniga, bacdamaa ay xubin ka tahay ururkaasi.
Ciidamada Heeganka ee Bariga Afrika waa Urur Goboleed uu waajibaadkiisu yahay kor u qaadista nabadda iyo ammaanka Bariga Afrika.
Ururka EASF waxaa ku mideysan toban dal, kuwaa oo kala ah Somalia, Djibouti, Ethiopia, Kenya, Uganda, Rwanda, Burundi, Sudan, Comoros iyo Seychelles.
Kulankan ayaa imaanaya, xilli dalalka safka hore ay ciidamo dheeri ah u soo dirayaan Somaliya, si ay kaga qayb qaataan hawlgalada ka dhanka ah maleeshiyada Al Shabaab.










