Wasiiru Dowaha Amniga oo kormeeray Xarunta cusub ee Golaha Wasiirada

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Amniga, Maxamed Cali Xagaa oo ay wehliyaan masuuliyiin uu ka mid yahay Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, General Sulub Axmed Firin ayaa maanta kormeer ku tegay Dhismaha cusub ee Golaha Wasiirada (Ex Xaruntii Xisbiga) ee Magaalada Muqdisho.

Xarunta Xisbiga oo ku taala Degmada Warta Nabadda ayaa ka mid ah goobaha danta guud, iyadoona horaan laga saaray dadkii shacabka ahaa ee deganaa.

Xaruntan oo dib-u-dhis ballaaran lagu sameeyay ayaa lagu wadaa in ay ku shaqeeyaan Golaha Wasiirada ee Xukuumadda Federaalka.

Wasiir Xagaa iyo masuuliyiintii kale ee la socotay ayaa soo indha-indheeyay qaybaha ay ka kooban tahay xaruntan.

Raysal Wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa mar sii horreysay Dowladda Qatar kaga mahadceliyay mashruuca lagu dhisay xarunta cusub ee Golaha Wasiirada, isagoona sheegay in xukuumaddiisu ay ku shaqayn doonto.

Dhismahan ayaa ka kooban xafiiska & hoyga Raysal Wasaaraha, hoolka shirarka ee Golaha Wasiirada, guriga martida iyo Masjid.

Dhismahan ayaa dacalka ku haya Garoonka Kubadda Cagta ee Stadium Muqdisho (Mogadishu Stadium).