Webiga Jubba oo ku fatahay Gobolada Jubbooyinka iyo Gedo

Webiga Jubba ayaa fatahaad xoogan ka gaystay qaybo ka mida Gobolada Jubbooyinka iyo Gedo, iyadoo dhanka kalena uu cagta mariyay dhul beereed ballaaran.
Webiga ayaa meelo badan kaga fatahay goboladaasi, laga soo bilaabo min Degmada Baardheere oo Gobolka Gedo ah illaa deegaanka Buulo Gaduud oo Gobolka Jubbada Hoose ka tirsan.
Wasiirka Beeraha Jubbaland, Geelle Muxumed Aadan ayaa sheegay in webiga uu sidoo kale ku fatahay deegaano ka tirsan Gobolka Jubbada Dhexe, oo ay gacanta ku hayaan maleeshiyada Al Shabaab.
"Biyo badan baa yimid, webigana waa fatahay oo deegaano badan buu waxyeeleeyay." Ayuu yiri Wasiirka Wasaaradda Beeraha Jubbaland.
Wasiirka ayaa yiri "Dhul badan buu ku fatahay webiga, laga soo bilaabo Buulo Iidow meesha la yiraahdo, Raaxoole oo agagaarka Magaalada Bu'aale ah iyo wareegta meesha la yiraahdo, kii Jilib waa fatahay, kii agagaarka Jamaame aad buu u fatahay, laga soo bilaabo bartii Jiimeey illaa iyo inta u dhaxeyso Buulo Gaduud, dhulka oo dhan biyaa soo galay. Dhashaygii weynaa ee Faryaamo biyaa galay, ayadoo dalag fiican uu ku yaalo oo dadku ay daba joogaan, haddana waxaan kula talinayaa inay samir badan sameeyaan, wixii ay dowladdu tari kartana diyaar bay ula tahay."
Wasiirka ayaa sheegay illaa iyo hadda inaanay jirin cid la ogyahay oo fatahaaddaasi ku dhimatay, marka laga soo taggo in daadadku ay baabi'iyeen dalagyo ay beeraleydu filayeen in dhawaan ay ku intifaaci doonaan tacabkii ka galay beerahooda.
"Dadkaa waa laga war-qabaa, waana lala socda, geeri ma dhicin oo dad ay biyo laayeen ma jiro, laakiin dalag badan baa khasaaray." Ayuu yiri Wasiirku.
Geelle Muxumed Aadan, Wasiirka Beeraha Jubbaland ayaa tilmaamay in fatahaaddu ay u muuqato mid hadda uun bilow ah, isagoona ugu baaqay shacabka in ay taxadaraan.
"Dhibaatada na haysataa waxaa weeye maalina haraad baan la qaxaynaa, maalina fatahaad baan la qaxaynaa, tabarta Soomaalidaa sidaa noqotay, aad baan uga xunahay inaan biyahaas ka faa'iideysan weyno oo dadkeennii ay dhibaato ku noqdeen, aad baan uga xunahay." Ayuu yiri Wasiir Geelle.
Tani ayaa imaanaysa, xilli Webiga Shabelle uu dhawaan si weyn ugu fatahay Magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan, boqolaal kun oo qofna ku khasbay in ay guryahooda ka barakacaan.


