Webiga Shabelle oo laga cabsi qabo in uu ku fataho Beledweyne

Webiga Shabelle ee mara qaybo ka mida Gobolada Koonfurta & Bartamaha Somaliya ayaa laga cabsi qabaa in xilligan uu ku fataho Magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan.

Waxaa jirta baqdin ay dadka reer Beledweyne ka muujinayaan in webiga uu ku fataho magaalada, ka dib markii ay kordheen biyaha ka imaanaya dalka Itoobiya.

Arrinta kale ee cabsida ku kordhisay dadka deegaanka ayaa ah roobabka xoogan ee xilligan gu'ga ka da'aya gobolada dalka.

Heerka lagu cabiro biyaha webiga ayaa dhawaan gaaray namberka 9aad, oo ah kan ugu dambeeya, waana tirada 9aad oo ka dhigan in webigu uu ku dhow yahay in uu qarka jabsado. 

Cabsida ayaa dadka ku korodha, marka webiga uu sidaan oo kale u biyo keeno.

Masuuliyiinta iyo shacabka qaybtood ayaase qaba rajada ah in biyo xireenaddii dhawaan laga sameeyay magaalada ay hoos u dhigi doonaan cabsida laga qabo in fatahaad baaxad lihi ka dhacdo magaaladaasi.

Gudoomiyaha Guddiga Gurmadka Fatahaadda ee Magaalada Beledweyne, Xaaji Cismaan Dhagaxow Haruur ayaa qulqulka biyaha ka imaanaya dhanka Itoobiya ku sheegay kuwo aad u fara-badan.

"Biyaha waa biyo aad u weyn, Magaalada Beledweyne saddex sano illaa afar sano dadku waa deganaayeen, biyahaasi biyahaan oo kale ma dhammeen. Biyahaan hadda la sheegayo ee xagga Itoobiya ka soo socdo ama na soo gaaray, waa biyo aad u fara-badan, illaa Ramadankii biyo aad u fara-badan ayaa magaalada yimid, wayna gudbeen, magaaladuna ma barakacin." Ayuu yiri Gudoomiyuhu.

Gudoomiyaha ayaa tilmaamay in cabsida ugu weyn ee dadku qabaan ay tahay in webiga uu ka fataho dhanka biyo xireennada Hoodley, Bilisdiid iyo Raadeerka.

"Cabsida keliya ee dadku muujinayo waxaa weeye, waa dhinacaan Hili-keli ka sokeeyo ee Hoodley, laabka Bilisdiid iyo meesha Raadeerka hoostiisa. Biyo badan oo xad dhaaf ah ayaa ku xiran oo maraya, waxaana dhici karta si kedis ah xoogaa yar inay hal meel ka soo go'aan biyuhu. Dadku cabsidaas ayay qabaan maahee, dhinacyada kale cabsi weyn kama qabno." Ayuu yiri Gudoomiyaha.

Xaaji Cismaan Dhagaxow Haruur, Gudoomiyaha Guddiga Gurmadka Fatahaadda ee Beledweyne ayaa xusay in guddigiisu uu magaalada ka hirgeliyay 64 biyo xireen, tanina ay yareyn karto cabsida ku aaddan in webigu uu si dhakhsi ah ugu fataho magaalada.