Weerar iyo dagaal culus oo ka dhacay Gobolka Galgaduud

Faah faahino ayaa ka soo baxaya weerar ay saaka maleeshiyada Al Shabaab ku ekeeyeen deegaanka Masagawaa ee Gobolka Galgaduud, halkaas oo ay saldhigyo ku leeyihiin Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa deegaanka.
Weerarka ayaa ku bilowday gaadiid walxaha qarxa laga soo buuxiyay, iyadoona uu xigay dagaal faraha looga gubtay oo dhinacyada ku dhex maray deegaankaasi.
Saraakiisha Ciidanka Xoogga Dalka ayaa sheegay in ay fashiliyeen weerarkaasi, isla-markaana ay 18 nin ka dileen maleeshiyadii weerarka soo qaadday.
General Axmed Maxamed Calasow (Tareedisho) oo ka mid ah Saraakiisha Ciidanka Xoogga Dalka ee ku sugan Masagawaa ayaa xaqiijiyay in dhankooda ay dagaalka kaga dhinteen afar qof, oo saddex ka mid ah uu ku sheegay odayaasha horkacaya xoogaga Macawiisleyda ee ka barbar dagaalamaya ciidamada.
"Mar hadduu dagaal dhaco wax badanaa imaanayo, Khawaarijtuna waa niman qaraxyo iyo waxaas iska soo hormariyo, laakiin markaan Al Xamdulillaah ciidamada iyo shacabka oo iskaashanaya ayaa ka hortegay." Ayuu yiri General Tareedisho.
Mar uu ka hadlayay waxa ay ahaayeen odayaasha dagaalka lagu dilay ayaa waxa uu yiri "Odayaasha Dhaqanku ma ahayn oday dhaqameed ee waxay ahaayeen dad shacabkoodii la safan oo qoryaha wata, oo nimankan Khawaarijta la dirirayo ayay ahaayeen oo dhufeyska dhinacooda uga jira."
General Tareedisho ayaa yiri "Qolada howshaan fulineysay oo Khawaarijta ah, ee shacabka Soomaaliyeed weligoodba dhibaateynaysay ee ajaaniibta iyo Soomaalida isugu jirtaahi, kuwaasi khasaara weynaa gaaray, 18 ayaan xaqiijinay waxa hadda ka dhintay, dhankaan kalena waxaa dhintay raggii dagaalamayay oo shacabka kacdoonka ahaa, saddex oday iyo nin dhallinyaro ah, afartaas ayaa ka geeriyootay."
Jananka ayaa intaasi ku daray in ciidamadu ay ku daba joogaan firxadka maleeshiyadii Shabaabka ee weerarka soo qaadday.
Al Shabaab ayaa dhankeeda sheegatay in ay dagaalka ku dishay 13 xubnood, oo saddex ka mida ay ku sheegtay horjoogeyaasha Macawiisleyda, toddobo kalena ay ku dhaawaceen. Al Shabaab ayaa qoraal ku sheegtay in dagaalka ay ku qabsadeen afar gaari, oo saddex ka mida ay yihiin kuwa dagaalka iyo mid nooca raaxada ah.
Gelinkii dambe ee Arbacadii ayay ahayd, markii Shabaabku ay weerar culus ku ekeeyeen xerada Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa deegaanka ku leeyihiin deegaanka Budbud ee Gobolka Galgaduud, waana xilli uu gobolkaasi ka socdo hawlgalo ka dhanka ah maleeshiyada Shabaabka.
Shabaabka ayaa isku dayaya in ay fashiliyaan gulufka uu qorshuhu yahay in lagaga sifeeyo deegaanada Galmudug.


