Weerarada dhinaca cirka oo caqabad ku noqday Shabaabka Gobolada Dhexe

Diyaaradaha dagaalka ee saaxiibada caalamiga ayaa kordhiyay weerarada dhinaca cirka ee ka dhanka ah deegaanada ay maleeshiyada Al Shabaab kaga sugan yihiin Gobolada Dhexe.

Diyaaradaha ayaa la sheegaya in ay beegsanayaan goob kasta oo la soo sheego in dhaqdhaqaaq ka wadaan maleeshiyada Shabaabka, xitaa marka ay noqoto dhanka Gobolada Koonfureed.

Saraakiisha Ciidamada Mareykanka iyo Turkiga ee dalka ka hawlgala ayaa illaa iyo hadda bartilmaameedyada ugu badan ka fuliyay Gobolada Galgaduud iyo Hiiraan.

Ciidanka Xoogga Dalka iyo xoogaga deegaanka oo haatan guluf ballaaran ka wada Gobolka Galgaduud ayaa la soo wariyay in goobaha ay ku adkaato in dhakhsi ah uga gudbaan ay dhanka cirka ka taageerayaan diyaaradaha dagaalka ee Dowladaha Turkiga iyo Mareykanka.

Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhigga, General Cabdullaahi Cali Caanood ayaa sheegay inay jiraan goobo badan oo dhul iyo cirba laga sahmiyay, dadkuna ay dhawaan warar waaweyn maqli doonaan.

Afhayeenka ayaa sheegay in ay bartilmaameed yihiin goobaha Shabaabku ku diyaariyaan walxaha qarxa, barraha ay ku kala war qaataan horjoogeyaashooda, xeryaha maleeshiyada iyo barraha kale ay u adeegsadaan taakuleynta dawooyinka, cuntada, shidaalka iyo gaadiidka.

Wararka laga helayo deegaanada ay maleeshiyada Shabaabka ka maamulaan Galmudug ayaa sheegaya in maleeshiyadu ay caqabad xoog leh ka haysato weerarada cirka iyo guuxa diyaaradaha ku gaaf wareegaya deegaanadaasi.

Ciidamada Militariga ayaa horaan go'doomiyay Shabaabka Gobolada Dhexe, ka dib markii ay xireen xadka Gobolka Galgaduud la wadaago Gobolada Hiiraan iyo Shabellaha Dhexe.

Ciidamada ayaa hadda dhowr jiho kaga sii siqaya Magaalooyinka Galhareeri iyo Ceelbuur, iyagoona maleeshiyada ka sifeynaya deegaanada iyo tuulooyinka ka baxsan magaalooyinkaasi.

Si kastaba ha-ahaatee diyaaradaha dagaalka ee saxiibada caalamiga ayaa door weyn ku yeelan doona hawlgalka ballaaran ee la doonayo in Shabaabka lagaga ciribtiro deegaanada Galmudug iyo Hirshabelle.