Weerarada Mareykanka iyo Iran oo saamayn ku yeeshay Marinka Hormuz

Xaaladda amni ee ka dhalatay weerarada Mareykanka iyo Iran ee ka soo cusboonaaday Gobolka Bariga Dhexe ayaa Maamulada Shirkadaha Maraakiibta ku khasbay in ay xadidaan isu socodka gaadiidka xamuulka badda ee marin biyoodka Hormuz.
Shirkadaha ayaa cabsi xoogan ka qaba in la beegsado shixnadaha ganacsiga, mana ahan mid ay intooda badan iska indha tiri karaan xiisadda aadka u sarreyso ee ka jirta gobolka. Shirkadaha ayaa isku dhacyada u dhaxeeya Iran iyo Mareykanka u arka kuwo halis gelinaya badqabka maraakiibtooda.
Xaaladda ka soo korortay gobolka ayaa sababtay in uu si weyn hoos ugu dhaco isu socodka maraakiibta ganacsiga caalamiga ah ee Marinka Hormuz.
Sida ay sheegtay shirkadda xogta dhinaca badda ee Lloyd’s List, dhaqdhaqaaqa maraakiibta ee Marinka Hormuz ayaa si weyn hoos ugu dhacay, ka dib markii ay dib u soo cusboonaadeen rabshadaha gobolka.
Xogta cusub ee Lloyd’s List ayaa xaqiijineysa in dhaqdhaqaaqa maraakiibta lala socon karo ama la raadin karo ay si buuxda u joogsadeen, labadii cisho ee u dambeysay.
Marinka ay Militariga Mareykanka isku-duwaan ee dhinaca Gacanka Cumaan ayaa la sheegay in gebi ahaanba uu istaagay oo wax maraakiib ah oo maraya aysan jirin, illaa iyo intii ay duqaymaha cusub is dhaafsadeen labada dhinac.
Ganacsatada iyo shirkadaha caymiska ayaa si aad ah uga gaabsanaya inay maraakiibtooda u diraan gobolka, halka kuwii horey ugu sugnaana Dowladaha Khaliijka, Iran iyo Ciraaq ay ku xaniban yihiin Gacanka Faaris (Fars) iyo agagaarka marin biyoodka Hormuz.
Marinka Hormuz ayaa ah kan ugu mashquulka badan ee marinada caalamiga ah, waana isha ugu weyn ee uu ka gudbo batroolka iyo gaaska Bariga Dhexe ee loo iibgeeyo dunida.


