Wejiga labaad ee hawlgalka oo ka bilowday Gobolka Hiiraan

Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan, Cali Jeyte Cismaan ayaa ku dhawaaqay in wejiga labaad ee gulufka ka dhanka ah maleeshiyada Al Shabaab uu ka bilowday gobolkaasi.

Ciidanka Xoogga Dalka oo gacan ka helaya xoogaga deegaanka ee Macawiisleyda ayaa Arbacadii iyo Khamiistii la wareegay deegaano dhaca koonfurta gobolkaasi, iyadoona uu hawlgalkan bilow u yahay gulufka ku wajahan dhulka ay maleeshiyada Al Shabaab kaga sugan yihiin gobolkaasi.

Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan ayaa sheegay in wejiga labaad ee hawlgalka uu noqon doono mid Shabaabka lagaga saaro galbeedka gobolkaasi, haddii wejigiisii hore looga saaray deegaanada dhaca bariga gobolka.

Gudoomiyaha ayaa muujiyay in ciidamada iyo xoogaga deegaanka ay u gudbi doonaan daanta galbeed ee Webiga Shabelle, halkaas oo muddooyinkii ugu dambeysay ay Shabaabku ka soo qaadayeen weeraro gaadmo ah.

"Waxaan leeyahay hawlgalka waa dhameystirka ama sifeynta Al Shabaab, ha looga faa'iideysto bisha Ramadan." Ayuu yiri Gudoomiyaha oo ku sugan jiidda hore.

Gudoomiyaha ayaa sidoo kale waxa uu yiri "Wejiga labaad ee sifeynta Al Shabaab ayaan ku jirnaa, wuuna bilowday wejigii labaad ee dagaalka."

Gudoomiye Jeyte ayaa sheegay in ciidamadu ay hadda hawlgal amni xaqiijin ah ka wadaan koonfurta gobolka, ka dibna ay u tallaabi doonaan galbeedka gobolkaasi.

"Marka aan inta ka xaqiijino ayaan ku dhaqaaqi doonnaa, haddii Alle idmo deegaanada ay ku hareyn, ee ay hadda uga dambeeyaan Gobolka Hiiraan, ayagana waan ka saari doonnaa." Ayuu yiri Jeyte.

Jeyte ayaa dadka deegaanka kula dardaarmay "Waxaan leenahay dadka inay u diyaargaroobaan nimankani, waxaana rabaa inaan si cad u sheego nimankani waa dhagarqabeyaal, waxayna mar walba isticmaalaan, isuna ekeysiiyaan dadka shacabka ah, waxaana uga digayaa dadka shacabka gacanta aan Shabaab u wadno inaysan ayaga ku dhicin."

Waxa uu intaasi ku daray "Waxaan idin leenahay ka fogaada Shabaab, Shabaab ka fogaada, haddaad ka fogaan weydaan gacanta Shabaab aan u wadno ayaa idinku dhaceysa."

Dhanka kale Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhigga, General Cabdullaahi Cali Caanood oo xalay shir jaraa'id ku qabtay Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in wejiga labaad ee hawlgalka ka dhanka ah maleeshiyada Shabaabka uu noqon doono, kiisii ugu dambeeyay ee dalka looga ciribtirayo maleeshiyadaas.

Marka aad milicsato muddada kooban ee Shabaabka lagaga saaray, inta badan deegaanada Hirshabelle iyo Galmudug ayaa waxay dad badani istuseen in waqti yar lagu soo afjaro Shabaabkaasi hubeysan.