Xaalad baqdin ah oo ka jirta Degmada Mahadaay

Wararka ka imaanaya Degmada Mahadaay ee Gobolka Shabellaha Dhexe ayaa sheegaya in xaalad baqdin ah ay ka jirto degmadaasi.

Tani ayaa ka dambeysay, ka dib markii ay soo baxeen warar sheegaya in maleeshiyada Al Shabaab lagu arkay deegaanada dhaca duleedka degmadaasi.

Wararka ayaa sheegaya in maleeshiyada Shabaabka ay yimaadeen deegaanada ku teedsan Webiga Shabelle, ka dib markii la sheegay in ganacsatada Mahadaay ay diideen inay bixiyaan lacagihii ay Shabaabku siin jireen.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in deegaanada lagu arkay Shabaabka ay yihiin, kuwii laga saaray bartamihii bishii December.

Wariyeyaasha ayaa soo sheegaya in dib ugu soo laabashada Shabaabka ee deegaanadaasi ay imaanayso, ka dib markii ay istaageen hawlgaladii Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa deegaanka ay maleeshiyadaasi kaga sifeynayeen dhulka hawdka ee degmadaasi.

Warbaahinta ayaa fahamsan in ganacsato badan oo ku sugan qaybo ka mida dalka ay iska diideen lacagihii ay Shabaabka siin jireen, markii Dowladda Federaalka ay 15-kii bishii October ay soo saartay awaamiir ay ku sheegeyso inaanay ganacsatada u hoggaansami karin amarada Al Shabaab, isla-markaana aanay dhaqaalo siin karin.

Wasiir Kuxigeenka Warfaafinta Somaliya, Cabdiraxmaan Yuusuf Cumar (Alcadaala) ayaa 30-kii bishii hore ee March ku dhawaaqay in kala bar la dhimay dhaqaalihii ay heli jireen Shabaabka.

“Waxaan ku faraxsanahay maanta inaan ku dhawaaqno in Dowladda Soomaaliyeed ay ku guuleysatay in hoos loo dhigay kala bar dhaqaalihii ay heli jireen kooxaha Khawaarijta. Waxaan sidoo kale ku faraxsanahay inaan ku dhawaaqno in si guud loo curyaamiyay nidaamkii isku xirnaa dhaqaalaha ee ay Khawaarijtu ku samayn jireen, waxaana la joojiyay baaddii Khawaarijtu ka qaadi jirtay badeecaha ka soo dega dekedaha iyo garoomada, oo markii hore ay awood u lahaayeen in ay helaan xogta badeecadaha imaanaya dekedaha ama ka soo degaya garoomada. Waxaa kaloo la joojiyay baaddii Khawaarijtu ay ka qaadi jirtay hantida la kala iibsado, taasoo ayadana markii hore si sahlan ay u heli jireen ama ay awood u lahaayeen in ay helaan xogta hanti kasta oo la kala iibsado ama la kala wareejiyo.” Ayuu yiri Alcadaala.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa horaan sheegay, marka laga soo taggo dagaalka tooska ah ee Shabaabka lagu la jiro in sidoo kale ay kala dagaalami doonaan dhanka dhaqaalaha iyo weliba xagga fekerka.