Xaalad cabsi ah oo ka jirta Degmada Jamaame, xilli ciidamada ay hawlgal wadaan
Xaalad cabsi ah ayaa laga soo sheegaya in ay ka jirto Degmada Jamaame ee Gobolka Jubbada Hoose, ka dib markii ciidamadu ay dhawaan dib u soo cusbooneysiiyeen hawlgalkii ay muddooyinkanba ka wadeen deegaanada hoostaga degmadaasi.
Dadka deegaanka ayaa sheegaya in ay cabsida ugu badan ka qabaan diyaaradaha dagaalka ee dul wareegaya magaalada inay duqeeyaan.
Diyaaradaha dagaalka ee saaxiibada caalamiga ah ayaa Jimcihii duqayn xoogan ka gaystay magaalada iyo nawaaxigeedaba.
Dadka deegaanka ayaa kuu sheegaya in mararka qaarkood ay magaalada dul wareegayaan diyaaradaha dagaalka, taasoo walaac xoog leh ku haysa. Dadka reer Jamaame ayaa sas iyo baqdinba ka qaaday guuxa diyaaradaha dagaalka, ka dib duqayntii ay dadka rayidka ah ku dhinteen ee bartamihii bishii November ka dhacday magaalada. Qaar badan oo ka mid ah dadka deegaanka ayaa isaga barakacay guryahooda, ka dib markii uu hawlgalku bilowday 12-kii bishii November iyo duqayntii xigtay ee shacabka ay ku dhinteen.
Diyaaradaha dagaalka ayaa waxay u muuqdaan kuwo indha indhaynaya joogitaanka maleeshiyada Al Shabaab ee magaalada, xilli maleeshiyadu aysan si firfircoon u joogin gudaha Jamaame.
Maleeshyada ayaa la fahamsan yahay in ay difaac kaga jiraan bannaanada magaalada iyo deegaanada ku teedsan Webiga Jubba jiinkiisa bari, si ay uga hortaggaan ciidamada u soo socda dhinaca magaalada.
Wararka ayaa sheegaya in Shabaabku ay si xeeladeysan uga baxsanayaan diyaaradaha dagaalka, isla-markaana ay isku qarinayaan dhulka hawdka ee ka baxsan magaalada iyo dhirta qarisay hareeraha waddada laamiga ee tagta Jamaame.
Ciidanka Gaarka ee Kumaandooska Danab oo hawlgalkan hoggaaminaya ayaa qoriga hoobiyaha ee wax duqaynta loo adeegsado ku garaacaya meelaha ay Shabaabku godadka ka qoteen ee ay magaalada ka difaacayaan. Dadka deegaanka waxay sheegeen in hoobiyeyaashu ay xilliyada qaar si habow ah ugu soo dhacayaan gudaha magaalada.
Ciidanka Xoogga Dalka iyo Daraawiishta Jubbaland ayaa caqabad kala kulmaya difaaca qodxaha leh ee Shabaabka, taas oo adkeynaysa in ay si dhakhsa ah u gaaraan magaalada.
Shabaabka ayaa waxaa gabaad muhiim ah u noqday, isla-markaana ay isku qarinayaan dhulka hawdka ee ishu qaban karin waxa ku dhex jira iyo dhirta aan la jarin ee dabooshay hareeraha laamiga.
Lama oga muddada ay ciidamadu ku qaadan doonto in ay kooxaha argagixisada ka saaraan Degmada Jamaame oo illaa 2008 ay haysteen.
Shabaabka ayay horey ugu suurtagashay in ay fashiliyaan isku dayo kala dambeeyay, oo Jubbaland ay ku dooneysay in ay kula wareegto gacan ku haynta Jamaame.


