Xaaladda dalka Mexico oo aad u kacsan, ka dib markii la dilay El Mencho

Qalalaase ayaa ka socdo Galbeedka Mexico, ka dib markii Axaddii hawlgal gaar ah lagu dilay mid ka mid ah hoggaamiyeyaasha kooxaha ka ganacsada daroogada ee dalkaasi.

Wararka ayaa sheegaya in Ciidamada Mexico ay dileen Nemesio Rubén Oseguera Cervantes (El Mencho), ka dib hawlgal ay ka fuliyeen Magaalada Tapalpa ee Gobolka Jalisco.

El Mencho ayaa ahaa ninka loogu doon doonista badan yahay ee dalka oo dhan, wuxuuna sidoo kale ahaa nin uu aad Mareykanku u raadinayay, iyadoo madaxiisa uu dul saarnaa 15 milyan oo dollar oo loo ballanqaaday in la siin doono ciddii keenta xog lagu soo qaban karo ninkaasi.

Ninkan ayaa madax u ahaa urur lagu magacaabo CJNG oo fadhigiisu yahay Gobolka Jalisco. CJNG ayaa Mexico iyo Mareykankaba uga diiwaangashan urur dembiileyaal ah.

Wasaaradda Difaaca Mexico ayaa bilowgii sheegtay in El Mencho lagu soo qabtay hawlgalka ka dhacay Tapalpa, markii dambena uu u geeriyooday dhaawac ka soo gaaray hawlgalkaasi, xilli loo duuliyay magaala madaxda dalkaasi ee Mexico City.

"Intii uu hawlgalka socday ayay ciidamada la kulmeen rasaas, waxaana goobta ay ku dileen afar qof. Saddex qof oo kale oo uu ku jiro El Mencho ayaa la dhaawacay oo markii dambe dhintay." Ayaa lagu yiri bayaan ay wasaaraddu soo saartay oo sidoo kale lagu sheegay "Laba kale ayaa la soo qabtay, waxaana sidoo kale la qabtay gaadiid gaashaaman, gantaalo iyo hub kale. Saddex ka mid ah Ciidamada Militariga ayaa ku dhaawacmay hawlgalka, kuwaas oo xaaladdooda caafimaad lala tacaalayo."

Safaaradda Mareykanka ee Mexico ayaa qoraal ku sheegtay in hawlgalka ay fuliyeen Ciidamada Gaarka ee Mexico, iyadoo lagu saleynayo xogo sirdoon oo labada dal ay iska kaashadeen.

Dilka El Mencho ayaa waxaa ka dhashay falcelin xoogan, taasoo dalka ku jiidday fowdo. Taageereyaasha El Mencho ayaa dalkaasi ka wada, waxa lagu sheegay rabshado xad dhaaf ah.

Warbaahinta maxaliga iyo tan caalamiga ah ayaa warinaya in xubnaha ururka awoodda badan iyo taageereyaashooda ay xireen waddooyinka ku dhawaad toban gobol oo Mexico ah, waxaana meelo badan la sheegay inay gaadiid ku gubeen, isla-markaana ay dab qabad siiyeen tiro dhismayaal ah.

Xarunta Gobolka Jalisco ee Guadalajara ayaa la sheegay in fiidnimadii Axadda ay isku rogtay magaalo ay xaaladdeedu aad u cakiran tahay, isla-markaana aysan dadku heli karin meelo ay ka iibsadaan wax ay cunnaan.

Sarkaal ka tirsan Saraakiisha Gobolka Jalisco ayay Wakaaladda Wararka AP ka soo xigatay in askari ka tirsan Ilaalada Qaran uu ku dhintay Tapalpa, intii lagu jiray hawlgalka, lix askari oo ka tirsan Ilaalada Qaranka ayuu iyaguna sheegay in lagu dilay Magaalada Zapopan oo ku dhow Guadalajara. Sarkaalkan ayaa intaasi ku daray in waardiye xabsi lagu dilay magaalo xeebeedka Puerto Vallarta, ka dib markii maxaabiistu ay rabshado sameeyeen iyo in wakiil ka socda Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Gobolka Jalisco lagu hor dilay Xafiiska Xeer Ilaalinta ee gobolkaasi.

Ciidamada Mexico ayaa isku dayaya in ay xakameeyaan qulqulatooyinka ka jira dalkaasi. Dowladda ayaana sheegtay in goobaha waxbarashada ee dhowr gobol ay Isniintan xirnaan doonaan.

Qaar ka mid ah duulimaadyada caalamiga ah oo ay ku jirto Air Canada ayaa hakiyay duulimaadyadii ay ku tagayeen magaalada loo dalxiiska tago ee Puerto Vallarta xaalad amni oo socota awgeed. Air Canada ayaa macaamiisheeda kula talisay inaysan tagin garoonka magaaladaasi. Shirkadda Air Canada ayaa digniintan soo saartay saacado ka dib, markii barraha bulshada lagu arkay muuqaal muujinaya dad argagaxsan oo is dhex yaacaya Garoonka Diyaaradaha Licenciado Gustavo Díaz Ordaz ee magaaladaasi.

Gudoomiyaha Gobolka Jalisco, Pablo Lemus ayaa dadka deegaanka u sheegay inay guryahooda joogaan, wuxuuna hakiyay isu socodka gaadiidka dadweynaha.