Xaaladda Degmada Dayniile ee Gobolka Banaadir oo kacsan

Wararka ka imanaya Magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in caawa ay xaalad aad u kacsan ka jirto Degmada Dayniile ee Gobolka Banaadir, ka dib xiisad ka dhalatay hawlgal burburin ah oo Maamulka Gobolka Banaadir uu doonayo in halkaasi laga sameeyo, si looga raro dadka degan.

Wararka ayaa sheegaya in dhaqdhaqaaq ciidan oo iska soo horjeeda uu ka jiro aagga Aargada Dayniile, isla-markaana ay tanina sii hurineyso xiisadda ka taagan degmadaasi.

Maleeshiyada deegaanka ah oo taageerayo ka helaya tobanaan ka mid ah Ciidamada Militariga ayaa qoryo la saaran dhismayaasha ku yaala goobta, iyagoona gebi ahaanba ka soo horjeeda Ciidamada Dowladda ee hoggaaminaya hawlgalka burburinta.

Goobjoogeyaasha ayaa sheegay in maleeshiyadu ay is horfadhiyaan Ciidanka Booliska Gobolka Banaadir iyo kuwa Polizia Militare oo loo diray inay fuliyaan hawlgalkaasi.

Booliska Gobolka Banaadir iyo Xoogaga Polizia Militare oo u tababaran la dagaalanka argagixisada iyo ka jawaabidda rabshadaha & dembiyada abaabulan ayaa aalaaba loo adeegsadaa inay fuliyaan hawlgalada wax burburinta ee laga wado Magaalada Muqdisho.

Wariyeyaasha ayaa soo sheegaya in xaalad adag ay ka jirto Waddada Dayniile, oo ay saaran tahay meesha ay xiisaddu ka taagan tahay.

Goor sii horreysay oo maanta ah tacshiirad ka dhacday Aargada Dayniile ayay ciidamadu ku dileen mid ka mid ah dadka deegaanka oo lagu magacabayay Maxamed Cabdullaahi Xasan. Marxuumka oo nin dhallinyaro ahaa ayaa ka mid ahaa dadka diidan, sida ay ku andacoonayaan in si aan sharci ahayn looga saaro guryahooda.

Dadka deegaanka ayaa waxay sheegayaan in ay ka cabanayaan, isla-markaana ay ka soo horjeedaan dhul boob ay sheegeen inay riixeyso Dowladda Federaalka.

Dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lagu eedeeyay inaysan dhageysaneyn cabashada dadka deegaanka.

Madaxweynihii hore ee Somaliya, Shariif Sheekh Axmed ayaa Madaxda Qaranka uga digay inay iska indha tiraan dareenka kacsan ee shacabka.

"Waxaan uga digayaa madaxda sare ee Dowladda Federaalka ah inaysan iska indha tirin dareenka bulshada ee cirka isku sii shareeraya, anigoo dareenkayga si gaar ah ula wadaagaya shacabka Soomaaliyeed ee ku nool caasimadda." Ayuu yiri Shariif Sheekh Axmed oo warkan ku sheegay warsaxaafadeed uu caawa soo saaray.

Marka aad fiiriso xaaladda dhabta ah ee ka jirta goobta, Madaxda Dowladda Federaalka ayaan huri karin in si uun loo maareeyo cabashada ay dadku qabaan, haddii ay noqoto in loo maro siyaasiyiinta deegaanka ku metela Dowladda Federaalka amaba waxgaradka deegaanka.

Arrinta muranada dhulka iyo is qabqabsiga dhulka danta guud ee la doonayo in laga raro dadka rayidka ah ayaa muddooyinkanba ku soo badanayay Caasimadda Muqdisho.