Xaaladda Degmada Galhareeri oo kacsan

Xaalad kacsanaan leh ayaa laga soo sheegaya Degmada Galhareeri ee Gobolka Galgaduud, ka dib duqayn xoogan oo gelinkii dambe ee Khamiistii ka dhacday degmadaasi.
Diyaaradaha saaxiibada caalamiga ee Ciidanka Xoogga Dalka ka taageera hawlgalada dhanka cirka ayaa bartilmaameedyo ka fuliyay goobo kala duwan oo ku yaala degmadaasi.
Warsaxaafadeed ka soo baxay Dowladda Federaalka ayaa lagu yiri "Ciidanka Qaranka ayaa hawlgal militiri oo jab loogu gaystay Khawaarijta ka fuliyay gudaha Degmada Galhareeri oo ka tirsan Dowlad Goboleedka Galmudug. Hawlgalkan qorsheysan ayaa waxaa lagu beegsaday saddex xarumood oo Khawaarijtu ay ku sugnaayeen.
Goobaha la beegsadey waxaa ka mid ah garaash ay Khawaarijtu ku diyaarinaysay waxyaabaha qarxa, waxaana halkaas lagu burburiyay toddobo gaari oo yaalay garaashka. Goobta labaad waxa ay ahayd bakhaar hub oo ay Khawaarijtu lahayd, waana la gubay. Goobta saddexaad waxa ay ahayd xarun Khawaarijtu ay ku tababari jireen maleeshiyaadkooda. Galhareeri ayaa Khawaarijta u ah xarun wayn oo ay u arkayeen in ay ku amaan galayaan. Hawlgalkani wuxuu qayb ka ahaa hawlgallo isdaba joog ah oo Ciidanka Qaranka Soomaaliya ku burburinayaan xarumaha Khawaarijta kuna beegsanayaan saadka iyo isku socodka Khawaarijta. Dowladda Somaliya waxa ay u mahadcelinaysaa shacabka Soomaaliyeed iyo saaxiibada caalamiga ah oo ku garab taagan dagaalka lagu ciribtirayo Khawaarijta iyo fekerkooda."
Dhowr qof oo carruuri ku jirto ayaa la ogyahay in duqayntan ugu dambeysay ay ku dhaawacmeen.
Dadka reer Galhareeri ayaa sheegaya in ay baqdin badani ka qabaan in waxyeelo ka soo gaarto hawlgalka Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa deegaanka ugu soo yihiin degmadaasi iyo weliba diyaaradaha saacadihii ugu dambeeyay kordhiyay in degmadaasi ku dulwareegaan.
Wararka ayaa sheegaya in guuxa diyaaradaha dagaalka ee saaxiibada caalamiga laga maqlayo Galhareeri iyo deegaanada kale ee hoostagga.
Ilo wareedyo ayaa sheegaya in hooyooyinka, carruurta iyo dadka da'da ah ay bilaabeen in ay isaga baxaan magaalada, oo ay ka arrimiyaan maleeshiyada Al Shabaab.
Galhareeri waa goobta labaad ee ugu muhiimsan ee la doonayo in laga gaaro maleeshiyada Shabaabka, marka laga soo taggo Magaalada Ceelbuur. Ceelbuur waa xarunta ugu weyn ee ay Shabaabku xilligan ku leeyihiin Gobolada Dhexe.
Gobolada Galgaduud iyo Mudug ayaa waxaa ka soconaya dhaqdhaqaaq xoog leh, oo Taliska Ciidanka Xoogga Dalka uu ku doonayo in xididada loogu siibo Shabaabka Galmudug.


