Xaasaska iyo carruurta Al Shabaab oo la sheegay in laga saarayo Baraawe

Dowlad Goboleedka Koonfu Galbeed ayaa sheegtay in uu socdo qorshe xaasaska iyo carruurta maleeshiyada Al Shabaab lagaga saarayo Degmada Baraawe ee Gobolka Shabellaha Hoose.

Wasiirka Amniga Koonfur Galbeed, Xasan Cabdiqaadir Maxamed oo maanta gaaray degmadaasi ayaa sheegay in loo baahan yahay in xaasaska iyo carruurta Al Shabaab ay isaga baxaan Baraawe.

Wasiirka ayaa sheegaya inaanan la aqbali doonin in Shabaabku ay dhibaateeyaan dadka reer Baraawe, isla-markaana ay qoysaskoodu deganaadaan magaalada.

Wasiirka ayaa intaasi ku daray in magaalooyinka kale ee Koonfur Galbeed laga saari doono xaasaska iyo carruurta Al Shabaab, xilligan oo sida uu sheegay uu heer geba-gabo ah marayo u diyaargarowga wejiga labaad ee hawlgalka ka dhanka ah maleeshiyadaasi.

Xasan Cabdiqaadir Maxamed, Wasiirka Amniga Koonfur Galbeed ayaa maamulada degmooyinka faray in ay iyana u diyaargaroobaan wejiga labaad ee hawlgalka.

Wasiirka ayaa sheegay in muddada uu ku sugan yahay Baraawe uu la kulmi doono Saraakiisha Ciidamada Booliska, Nabad Sugidda, Daraawiishta Koonfur Galbeed iyo kuwa Ciidanka Xoogga Dalka.

Baraawe waa Xarunta Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, inkastoo Madaxda Koonfur Galbeed ay si kmg ah ugu shaqeeyaan Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay.

Masuuliyiinta Maamulka Gobolka Shabellaha Hoose ayaase muddooyinkii ugu dambeysay ku shaqeynayay Baraawe, ka dib markii ay kol hore ka soo guureen Magaalada Marka.