Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud oo baaritaan ku bilaabay Madaxa Turkish Airlines ee dalka

Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka, Garyaqaan Suleymaan Maxamed Maxamuud ayaa shaaca ka qaaday in baaritaan lagu bilaabay Maareeyaha Xafiiska Diyaaradda Turkish Airlines ee Somaliya, Turahan Kenmen, kaas oo warbixin dembi uu ka soo gudbiyay muwaadin Soomaaliyeed.

Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ayaa war uu soo saaray ku sheegay in xafiiska uu soo gaaray warbixin dembi, oo ku saabsan in muwaadin lagu magacaabo Cabdifitaax Axmed Xuseen si ula kac ah loogu sameeyay ku tagrifal awoodeed, lagana reebay Turkish Airlines isaga oo safar ah, xilli uu maray dhammaan habraacyada hubinta safarka.

Warka ayaa lagu sheegay in qofka uu muwaadinkan Soomaaliyeed ka cabanayo uu yahay Turahan Kenmen, oo ku magacaaban Madaxa Xafiiska Turkish Airlines ee Somaliya.

Warka Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ayaa lagu sheegay in xafiisku uu muwaadinkaasi u furay gal-dacwadeed, isla-markaana uu bilaabay baarista kiiska.

Warka ayaa intaasi ku daray in marka baaritaanka la soo geba-gabeeyo uu xafiiska qaadi doono tallaabada sharci ee ku habboon.

Xadgudubyo badan oo Turahan Kenmen uu ku lug leeyahay ayaa la sheegay inay ka dhaceen gudaha Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho.

Wararka ayaa sheegaya in Shirkadda Turkish Airlines ay maalmihii u dambeeyay soo gaarayeen farriimo cabasho oo ka dhan ah sarkaalkaasi.

Warka Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaana u qornaa:-

Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka waxa soo gaaray warbixin dembi oo sheegeysa in muwaadin lagu magacaabo Cabdifitaax Axmed Xuseen si ula kac ah loogu sameeyay ku tagrifal awoodeed, laguna tacadiyay xuquuqdiisa dastuuriga ah, lagana reebay Diyaaradda Turkish Airlines asaga oo safar ah, marayna dhammaan habraacyada hubinta safarka.

Cabdifitaax ayaa ka cabanaya in Turahan Kenmen oo ah Maareeyaha Xafiiska Diyaaradda Turkish Airlines (Station Manager) ee Somaliya uu yahay qofka kula kacay ku tagrifalka awoodeed.

Xafiiska marka ay soo gaartay warbixinta dembiga waxa uu u faray gal-dacwadeed, waxa uuna bilaabay baarista kiiska. Xafiiska marka uu soo geba-gabeeyo baarista kiiska, waxaa uu qaadi doonnaa tallaabada sharci ee ku habboon.

Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka waxa uu u taagan yahay ilaalinta xuquuqda dastuuriga ah ee dhammaan dadka ku nool Somalya.