Xasan Cabdiqaadir oo u hanjabay Wariyeyaasha Baydhabo

Xasan Cabdiqaadir Maxamed, Wasiirkii hore ee Amniga Koonfur Galbeed ayaa ku hanjabay inay la xisaamtami doonaan kuwa uu sheegay inay beenta ka sheegayaan Ciidanka Daraawiishta Koonfur Galbeed.
Xasan Cabdiqaadir oo ka mid ah siyaasiyiinta deegaanka ee ku aragtida ah Madaxweynihii hore ee Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen) ayaa sheegaya inaanu jiri doonin qof la dhaafi doono, haddii ay noqoto askariga la dagaalamaya ciidanka taabacsan Laftagareen iyo kan qalabka Warbaahinta ka taageeraya.
"Dadka warxumo tashiilka ee Koonfur Galbeed oo idaacadaha inuu been ka sheego rabo ee leh hebel ayaa la dilay, hebel ayaa diyaarad lagu duqeeyay, hebelaa la weeraray iyo hebelaa ku dhaawacmay, waxaan leenahay waan is arki doonnaa." Ayuu yiri Xasan Cabdiqaadir oo soo duubay muuqaal uu kaga hadlayo arrintan.
Xasan Cabdiqaadir ayaa ku goodiyay in si isku mid ah ay ula dagaaami doonaan askariga u shaqeeya sida uu yiri Salbalaar iyo kan dacaayadda ka fidinaya Ciidanka Daraawiishta Koonfur Galbeed ee ka goostay maamulka ee ku sugan duleedka Baydhabo.
"Wixii hadda ka dambeeyo nin la dhaafayo ma jiro. Kan qoriga nagu la dagaalamayo ee Salbalaar u shaqeeyo iyo kan borbagaandada fidinaayo ee ciidanka beenta ka sheegayo ee Shabaab waaye leh ciidankii Dowladda Koonfur Galbeed uu garanaayay ee nooc kale ka dhigayo, waan la xisaabtami doonnaa." Ayuu yiri Xasan Cabdiqaadir.
Hadalka Xasan Cabdiqaadir waa mid dhiilo leh oo muujinaya, sida mucaaradka uu Laftagareen hoggaamiyo uu uga soo horjeedo in lala xiriiriyo maleeshiyada Al Shabaab.
Wariyeyaasha Baydhabo ayaa wajahaya cadaadisyo iyo hanjabaado isku dhufan oo uga imanaya dhinacyada isku haya awoodda maamulka.
Xiisadaha siyaasadeed iyo amni ee ka taagan Koonfur Galbeed, gaar ahaan Magaalada Baydhabo ayaa gaaray heerkii ugu sarreyay, taas oo keentay in dhinacyada uu loolan u dhexeeyo ay fara-geliyaan shaqada Warbaahinta.


