Xeer Ilaalinta Somaliland oo dacwad ka gudbisay Gudoomiyaha Golaha Wakiilada

Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Somaliland ayaa maanta Maxkamadda Dastuuriga ee Somaliland u gudbiyay dacwad ka dhan ah Gudoomiyaha Golaha Wakiilada, Cabdirisaaq Khaliif Axmed.
Xafiiska ayaa maxkamadda ugu baaqay in la laalo Xubinimadii Golaha Wakiilada ee Gudoomiye Cabdirissaq Khaliif Axmed, oo muddooyinkii ugu dambeysay ku sugnaa Magaalada Laascaanood ee Xarunta Gobolka Sool.
Cabdiraxmaan Jaamac Hayaan, Xeer Ilaaliyaha Guud ee Somaliland ayaa Gudoomiyaha Golaha Wakiilada ku eedeeyay inuu si cad uga horyimid jiritaanka iyo midnimada Somaliland, isla-markaana uu taageeray go'aanadii ay horey u soo saareen Garaadada Gobolka Sool ee ku shiray Magaalada Laascaanood, kuna sheegeen in deegaanada SSC (Sool, Sanaag iyo Cayn) aanay ka mid ahayn Somaliland, isla-markaana ay si toos ah u hoos-taggaan Dowladda Federaalka.
Warqadda dacwada ee laga gudbiyay Gudoomiyaha ayaa waxaa kaloo ku xusan in uu jebiyay shuruudihii lagu soo doortay, oo ah xil gudasho, isla-markaana uu gudan waayay xilkiisii, kana maqnaaday golaha labaatan fadhi oo isku xigga iyo inuu ka maqnaaday shaqadii Golaha Wakiilada in ka badan 45 maalmood, cudurdaar la'aan.
Maxkamadda Sare ee Somaliland ayaa Gudoomiye Cabdirisaaq ugu yeertay in uu ka soo jawaabo dacwadda laga soo gudbiyay, oo ka furan Maxkamadda Dastuuriga ee Somaliland, isla-markaana uu haysto muddo toddobo cisho ah oo ay tahay in uu kaga soo jawaabo.
Gudoomiyaha Golaha Wakiilada ayaa caawa qoraal kooban oo uu soo dhigay boggiisa Facebook kaga jawaabay qoraalka ka soo baxay Xafiiska Gudoomiyaha Maxkamadda Sare, Aadan Xaaji Cali Axmed ee looga dalbanay in uu ka soo jawaabo dacwadda laga soo gudbiyay.
"Qoraalka ka soo baxay Xafiiska Gudoomiyaha Maxkamadda Sare wax qiime sharci ah ma laha, waxaanu baal marsan yahay Dastuurka Dalka iyo dhammaan Xeerarka Dhaqangalka ah, mana mudna inaan ka jawaabo, waana arrin jawaabteedu u taalo guud ahaan Golaha Baarlamaanka [Wakiilada iyo Guurtida] ee awoodahooda iyo xasaanadooda lagu xadgudbay." Ayuu yiri Gudoomiyaha Golaha Wakiilada.
Dacwaddan ayaa imaanaysa, xilli Gudoomiyuhu uu kol hore xukuumadda ku eedeeyay inay waxyeelo baahsan ka gaysatay Magaalada Laascaanood.
Laascaanood ayaa waxaa 6-dii bishii February ka qarxay dagaal u dhaxeeya Ciidamada Somaliland iyo dadka deegaanka, welina aan wax xal ahi loo helin xiisaddaasi.


