Xeerka La dagaalanka Argagixisada oo dood adag ka dhex dhaliyay Xildhibaanada Golaha Shacabka

Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka ayaa maanta dood adag ka yeeshay Hindise Sharciyeedka La dagaalanka Argagixisada, ka dib markii ay akhrinta 2aad mariyeen. Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaana dhawaan Hindise Sharciyeedkan u soo gudbisay golaha.

Guddiga Amniga ee Golaha Shacabka oo qodobada qaar wax ka bedel ku sameeyay ayaa golaha horkeenay, si ay dood uga yeeshaan.

Xildhibanaada oo hadalo ka jeediyay Xaruntooda Villa Hargeisa ee Magaalada Muqdisho ayaa su'aalo ka keenay qodobada qaarkood, oo ay sheegeen inay halis gelin karaan muwaadiniinta iyo hantidoodaba. Doodda Xildhibaanada ayaana ku aaddaneyd sixid iyo toosin.

Xeerkan ayaa waxaa ku cad ciqaabta iyo ganaaxa uu mudan karo qof kasta oo lagu helo falal argagixiso, oo ay qayb ka tahay in hantidiisa lala wareegi karo.

Xildhibaanada ayaa ku baaqay in goluhu uu si dhow u derso xeerkan, ka hor inta aanay ansixin, oo haddii ay meelmariyaan uu noqonayo mid sharci ah.

Xildhibaan Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) oo ka mid ah Xubnaha Guddiga Amniga ayaa sheegay in qodobo badan ay dib-u-eegis iyo dib-u-sixidba ku sameeyeen.

Xildhibaan Cabdiladiif Muuse Nuur (Sanyare) oo guddigaasi ka mid ah ayaa dhankiisa sheegay in xeerkan ay wadatashi badan geliyeen, ka hor inta aanay golaha horkeenin, isla-markaana ay la kaashadeen khubaro amni iyo sharci-yaqaano.

Xildhibaan Sanyare ayaa meesha ka saaray in uu jiri karo walaac amni oo dadku ay xeerkaasi ka qabi karaan.

Villa Somalia ayaa dadaal ugu jirto, sidii Aqalka Hoose ee Baarlamaanka Federaalka uu u ansixin lahaa xeerkan, xilli dalku uu marxalad dagaal ku jiro.

Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa maalmaha ina soo aaddan lagu wadaa in ay akhrinta 3aad mariyaan Hindise Sharciyeedka La dagaalanka Argagixisada, markaas oo codka kalsoonida ay u qaadi doonaan.

Golaha ayaa 6-dii bishii hore ee February cod aqlabiyad leh ku ansixiyay Sharciga Hay'adda Nabad Sugidda & Sirdoonka Qaranka (NISA), kaas oo dadka qaarkii ay walaac ka muujiyeen.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa mar sii horreysay sheegay in dowladdiisu ay sanadkan soo afjari doonto maleeshiyada Al Shabaab, haddii ay yihiin caqabadda ugu weyn ee maanta horgudbin amniga dalka.