Xiisad ka taagan Degmada Afgooye ee Gobolka Shabellaha Hoose

Xiisaddan ka soo korortay Degmada Afgooye ee Gobolka Shabellaha Hoose ayaa salka ku haysa cidda qaadeysa cansuurta degmadaasi iyo koontada ay tahay inay ku dhacdo.

Ciidamo taabacsan Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ayaa isku dayaya in ay fuliyaan amar ka soo baxay Wasaaradda Maaliyadda Koonfur Galbeed, oo lagu hoos keenayo canshuurta laga qaado ganacsatada iyo gaadiidka dadweynaha oo mooto bajaajta ay ku jirto.

Maamulka Degmada Afgooye ayaa ka horyimid in ay wareejiyaan koontada dakhliga ee degmada, iyagoo ku andacoonaya in ay u adeegsadaan adeegyada iyo horumarinta degmadaasi.

Wasaaradda Maaliyadda Koonfur Galbeed ayaa dhawaan soo saartay digreeto ay ku dalbaneyso in canshuurta laga uruuriyo Afgooye ay ku soo dhacdo koontada wasaaradda, iyadoo laga wareejinayo tan Maamulka Degmada Afgooye.

Digreetada wasaaradda ayaa ahayd mid lagu nasaqaayay war horaantii bishii May ka soo yeeray Gudoomiyaha Gobolka Shabellaha Hoose, Cabdifitaax Sayid Axmed oo uu ku sheegayay in Maamulada Degmooyinka Gobolka Shabellaha Hoose ay uruurin doonaan canshuurta degmooyinkaasi, iyadoo laga hortagayo in la lunsado canshuurta gobolka.

Warka Gudoomiyaha ayaa yimid, ka dib sanado ay Wasaaradaha Maaliyadda & Gaadiidka ee Koonfur Galbeed ay maamulayeen canshuurta gobolkaasi.

Odayaasha iyo waxgaradka Afgooye ayaa sheegay in Dowladda Hoose ee Afgooye ay xaq u leedahay inay qaaddo canshuurta gudaha, si ay wax uga qabato baahiyaha degmada, uguna horumariso adeegyada bulshada.

Odayaasha iyo waxgaradka deegaanka ayaa Wasiirka Arrimaha Gudaha Koonfur Galbeed, Maxamed Isxaaq Cismaan (Fanax) ugu baaqay in uu soo fara-geliyo arrintan.

Afgooye ayaa ah mid ka mid ah ilaha dhaqaale ee ugu muhiimsan ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed.