Xiisad ka taagan Magaalada Garoowe

Wararka ka imaanaya Magaalada Garoowe ayaa sheegaya in xiisad ay ka taagan tahay magaaladaasi, ka dib markii ciidamo hubeysan ay xalay fariisimo ka sameysteen bartamaha Xarunta Gobolka Nugaal ee Garoowe.

Ciidamadan oo ka amar-qaata siyaasiyiinta mucaaradka ayaa soo degay barxadda Garoowe, gaar ahaan waddada aadda dhinaca Xarunta Baarlamaanka. 

Wararka ayaa sheegaya in ciidamadu ay joojiyeen isu socodkii gaadiidka, mana jiraan baa la leeyahay gaadiid ka gudbi kara amaba mari kara waddooyinka ay ku sugan yihiin.

Wariyeyaasha ayaa soo sheegaya in siyaasiyiinta mucaaradka ay ka biyo diidan yihiin in Xildhibaanada Baarlamaanka Puntland ay furaan Dastuurka Puntland, si wax ka bedel ay ugu sameeyaan, loona kordhiyo tirada xisbiyada siyaasadeed ee Puntland.

Puntland ayaa toddobaadyadii la soo dhaafay wajaheysay xiisad siyaasadeed, ka dib markii Golaha Wasiirada ay 4-tii bishii May ansixiyeen in tirada xisbiyada siyaasadda laga dhigo shan, halka ay markii hore saddex ka ahaayeen.

Xiisaddan laga soo sheegayo Garoowe ayaa kor u qaadday walaacii ay dadka qaarkii ka qabeen in isku dhac dhex maro ciidamada maamulka iyo kuwa mucaaradka. 

Ciidamadan lagu arkayo halbowlaha Garoowe ayaa qayb ka ah ciidamada maamulka, balse u muuqdo inay diidan yihiin in wax ka bedel lagu sameeyo dastuurka.

Madaxtooyada Puntland ayaan illaa iyo hadda ka hadal xaaladda amni ee ka soo korortay Garoowe.