Xiisad siyaasadeed oo ka soo korortay Dowlad Goboleedka Hirshabelle

Xiisaddan ka soo korortay Dowlad Goboleedka Hirshabelle ayaa ka dambeysay, ka dib markii Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu go'aansaday in uu taageero dib-u-doorashada Madaxweynaha Hirshabelle, Cali Cabdulaahi Xuseen (Cali Guudlaawe), taasoo ay si weyn uga horyimaadeen Siyaasiyiinta Gobolka Hiiraan.

Madaxweynaha Dowladda Federaalka oo habeenkii Khamiista xafiiskiisa ku qaabilay Madaxweyne Kuxigeenka Hirshabelle, Yuusuf Axmed Hagar (Yuusuf Dabageed) ayaa la wadaagay in Urur Siyaasadeedka JSP ee uu hoggaamiyo uu isku raacay in Cali Guudlaawe uu noqdo musharaxa rasmiga ah ee ururka ku meteli doona doorashada madaxtinimada Hirshballe.

Dhinacyada siyaasadda iyo dhaqanka ee Gobolka Hiiraan ayaa si adag uga horyimid go'aankan, oo ay ku tilmaameen mid meel ka dhac ku ah hannaanka awood qaybsiga beelaha ee dhismaha Dowlad Goboleedka Hirshabelle.

Yuusuf Dabageed, Madaxweyne Kuxigeenka Hirshabelle ayaa Madaxweyne Xasan Sheekh ku eedeeyay in uu uga baxay ballanqaad hore, oo ahaa in hoggaanka sare ee Hirshabelle loo dhaafi doono beesha bariga Gobolka Hiiraan, doorashada soo socota.

Hirshabelle oo ka kooban Gobolada Hiiraan iyo Shabellaha Dhexe ayaa ku dhisan heshiis siyaasadeed is faham ah awood qaybsi beeleed iyo deegaan, kaas oo lagu dheelitiro hoggaanka labada gobol ee Hiiraan iyo Shabellaha Dhexe.

Maadaama Madaxweynaha hadda xafiiska jooga, waa Cali Guudlaawe uu ka soo jeedo Gobolka Shabellaha Dhexe ayay reer Hiiraan u doonayaan in la ixtiraamo tookada ay u leeyihiin inay hoggaamiyaan maamulka, dhowrka sano ee ina soo aaddan.

Nidaamka tooko-tookada ayay dad badani u arkaan mid ku saleysan, si looga fogaado in awoodda ay hal dhinac u badato, loona xaqiijiyo in dadka deegaanka ee labada gobol ay dareemaan in ay metelaad dhab ah ku leeyihiin maamulka.

Yuusuf Dabageed oo Jimcihii ka hadlayay kulan ay siyaasiyiinta iyo odayaasha reer Hiiraan qaarkood ku yeesheen Magaalada Muqdisho ayaa sheegay inaanan wax doorasho ahi laga qaban karin Gobolka Hiiraan, inta laga gaarayo heshiis siyaasadeed.

"Tuulo ka mid ah Hiiraan lagama samayn karo doorasho wax la yiraahdo, ciddii isku daydaana ayadoon doorashadaas siyaasiyan aan laga heshiin, ciddii isku daydaa, wixii ka yimaado masuuliyaddeeda iyadaa qaadeyso." Ayuu yiri Yuusuf Dabageed.

Khilaafkan ayaa cawaaqib ku yeelan kara doorashada qof iyo codka ee la filayo in dhawaan laga qabto labada gobol ee Hirshabelle, laguna soo dooranayo Xildhibaanada Baarlamaanka iyo Xubnaha Golaha Deegaanka ee Degmooyinka Hirshabelle.