Xiisadda Gobolka Hiiraan oo xujo ku noqotay Madaxda Dowladda Federaalka

Xil ka qaadistii uu Axaddii Madaxweynaha Hirshabelle, Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) ku sameeyay Gudoomiyihii Gobolka Hiiraan, Cali Jeyte ayaa xiisad siyaasadeed ka abuurtay gobolkaasi, ka dib markii Gudoomiyuhu uu si adag uga horyimid xil ka qaadistaasi.

Siyaasiyiinta, waxgaradka iyo bulshada gobolka ayaa sidoo kale si weyn uga horyimid xil ka qaadistaasi iyo tallaabada uu Madaxweynaha jegadaasi ugu soo magacaabay nin kale oo deegaanka ah oo lagu magacaabo Cabdullaahi Axmed Maalin (Sufurow), kaas oo horey u soo qabtay xilkan.

Ciidamo u daacad ah Gudoomiyaha oo Axaddii gaaray Magaalada Beledweyne ayaa sheegay in ay difaaci doonaan, iyadoo isla maalintaas ay magaalada dibadbaxyo ka dhigeen dad ka soo horjeeda xil ka qaadistaasi.

Gudoomiye Jeyte oo xilligaasi shir jaraa'id ku qabtay Magaalada Beledweyne ayaa si adag uga horyimid xil ka qaadistiisa, xilliga lagu soo beegay oo ah waqti ay dadka deegaanka dagaal adag kula jiraan maleeshiyada Al Shabaab.

Gudoomiyaha ayaa xil ka qaadistiisii ka dib sheegay in hadda ka dib aanay dadka reer Hiiraan qayb ka sii ahaan doonin Dowlad Goboleedka Hirshabelle, isla-markaana ay dhisan doonaan maamul iyaga u gaar ah, xilli reer Hiiraan ay muddo dheer ka cabanayeen in sad-bursi lagu sameeyay, marka aad eegto in dadka ku dhaqan Gobolka Shabellaha Dhexe ay wax kala dhaxeeyaan ay isku qaateen Madaxweynihii iyo xaruntii maamulka oo Jowhar ah. 

Madaxda Dowladda Federaalka ayaan iyagu weli ka hadlin xiisaddan ka soo korortay gobolka, oo u muuqato inay tahay laba kala daran mid dooro, haddiiba ay dhinac la safanayaan.

Madaxweynaha Hirshabelle iyo Kuxigeenkiisa Yuusuf Axmed Hagar (Yuusuf Dabageed) ayaa ku doodaya in xil ka qaadista Gudoomiyaha ay muhiim u tahay barnaamijka dayn-cafinta dalka, oo shuruudaha horgudbin ay qayb ka tahay mideynta nidaamka maaliyadeed ee Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada.

Madaxda Hirshabelle ayaa la fahamsan yahay inay Gudoomiye Jeyte ku eedeynayaan in uu bishii April ka horyimid qorshihii ay wadday Wasaaradda Maaliyadda Hirshabelle ee lagu mideynayay canshuuraha Gobolada Hiiraan iyo Shabellaha Dhexe, isla-markaana uu diiday in canshuurta uu gobolka qaado si toos ah loo hoos keeno Wasaaradda Maaliyadda.

Gudoomiye Jeyte oo xilligaasi qoraal ka soo saaray arrintaasi ayaa sheegay inaanan hadda la joogin xilli laga hadlo mideynta canshuuraha labada gobol, haddii ay dagaal kula jiraan Al Shabaab, canshuurta ay qaadaana ay u adeegsanayaan dardargelinta dagaalka, saadka iyo taakuleynta ciidamada, bacdamaa aanay jirin sida uu sheegay meelo kale oo ay kab maaliyadeed ka helaan.

Wararka ayaa sheegaya in Madaxda Dowladda Federaalka ay Jeyte u arkaan mid muhiim u ah dagaalkii uu horaan iclaamiyay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, ee sida uu sheegay dalka lagaga saarayo maleeshiyada Shabaabka.

Jeyte ayaa la fahamsan yahay in uu yahay mashiinkii dhaqaajinayay wejigii hore ee hawlgalka, oo Shabaabka lagaga saaray deegaanadii ay kaga sugnaayeen bariga Gobolka Hiiraan, haatana uu waday abaabulka qorshihii xigay ee lagu qaban lahaa deegaanada ay kaga harsan yihiin daanta galbeed ee gobolkaasi.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in Madaxweynaha Hirshabelle uu habeenkii Axadda khadka teleefanka kula hadlay Madaxda Qaranka, uuna u sheegay in Gudoomiye Jeyte uu caqabad ku yahay qorshaha socda ee la doonayo in dalka looga dhaafo amaahda lacageed ee lagu leeyahay.

Xiisadda haatan ka taagan gobolka ayaa madax xanuun ku riday Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Raysal Wasaarihiisa Xamse Cabdi Barre oo la sheegayo in ay ku jahwareersan yihiin dhabihii ay arrintaasi u mari lahaayeen, waana Madaxda Qaranka oo haddii ay mucaaradaan Madaxda Hirshabelle kala kulmi kara caqabado siyaasadeed iyo inay hadhow ku eedeyn doonaan fashil kasta oo suurtagalnimada ku imaan kara hannaanka dayn-cafinta iyo dhanka kale oo Gudoomiye Jeyte ah, oo muhiim u ah la dagaalanka Shabaab, ayna la duuban yihiin dadka gobolka iyo Soomaalida inteeda kale.

Dadka ka faallooda arrimaha siyaasadda ee dalka ayaa sheegaya in Jeyte uu kasbaday taageerada shacabka Soomaaliyeed, maadaama bay leeyihiin uu muujiyay in muddo kooban lagaga adkaan karo Shabaab, taas oo rajo badan gelisay Villa Somalia, keentayna in Madaxweyne Xasan Sheekh uu 1-dii bishii January ku dhawaaqo in muddo sanad ahi ay dalka kaga ciribtiri doonaan Shabaabka, ka dib 16 sano oo ay dalka ka dagaalamayeen.

Si kastaba ha-ahaatee Madaxda Dowladda Federaalka oo haatan safar ugu kala maqan dalalka Mareykanka iyo Sacuudiga ayaa la eegayaa go'aanka ay qaataan.