Xildhibaan Jeesow: Xeelad lama dhihi karo in laga soo baxo dhulkii la xoreeyay oo dhan

Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka ayaa ganafka ku dhuftay warka masuuliyiinta Dowladda Federaalka iyo Taliska Militariga ee sheegaya in ciidamadu ay xeelad dagaal uga soo baxeen dhulkii ay horaan ka saareen maleeshiyada Al Shabaab.
Ciidanka Xoogga Dalka iyo xoogaga deegaanka ayaa daba-yaaqadii bishii August dib uga soo gurtay degmooyin iyo deegaana dhaca Gobolka Galgaduud, oo dib ay maleeshiyadaasi ula wareegeen.
Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow ayaa sheegay inaanan xeelad dagaal la dhihi karin in ciidamada ay si fudud uga soo baxaan dhul ay qabsashadiisa juhdi badani ku bixiyeen
"Magaalooyinka laga soo baxay qaar lix bilood ka hor la qabtay ayaa jira, oo ciidamadeenna ay saldhigyo waaweyn ka sameysteen, dadkii ka qaxayna ay ku soo noqdeen." Ayuu yiri Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow.
Waxa kaloo uu yiri "Xeelad ma noqoneyso in markii dadkii ay ku aaminayn loo banneeyo cadowga, sida Ceeldheer oo kale in cadowga loo banneeyo, sax ma noqoneyso."
Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow ayaa tilmaamay in maleeshiyada Shabaabka laga saaray inta badan Gobolka Galgaduud, goobo cayimana ay uga sugnaayeen gobolkaasi, markii ciidamadu ay dib uga soo baxayeen magaalooyinkii iyo deegaanadii ay horaan xoreeyeen.
"Sida uu Madaxweynuhu sheegay masuuliyad xumo ayaa meeshaas ka muuqata, sababtoo ah saldhigyada laga soo baxay saldhigyadii ugu horreyay ee Shabaab ayay ahaayeen, meesha noo harsaneyd waxay ahayd Galhareeri oo keliya." Ayuu yiri Xildhibaan Jeesow.
Xildhibaanka oo ka qaybgelay Barmaamijka Doodda Jimcaha ee BBC ayaa yiri "Marka Shabaab meelo yaryar oo duur ah ayaa u harsaneyd iyo Galhareeri, anigana dadkii hambalyeey ayaan ka mid ahay markii Ceelbuur la qabtay, qalbi jab weynaa dhacay oo ah in dib looga soo baxo wixii oo dhan. Waxaan dhihi lahaa dadkii masuuliyaddaas lahaa waa in lagu la xisaabtamo, maxaa yeelay ciidankeenna kor iyo hoos way qaban lahaayeen dhulka dhiman, laakiin inta la niyad jebiyay ayaa weliba la dibin-daabiyay, loona ogolaaday inay dhulkaas ka soo baxaan."
Waxaa uu ku baaqay in la helo dad lagu la xisaabtamo masuuliyad xumo uu sheegay inay ku kaceen.
"Masuuliyad xumadaas waa in dad lagu la xisaabtamaa, waana in dad loo maxkamadeeyaa. Xaqiiqada dhabta ah lagama raysto, markii cadow aad la dagaalameysid waxaa laga run sheegaa xaaladda aad ku sugan tahay." Ayuu yiri Mudanaha Golaha Shacabka ka tirsan.
Xildhibaan Jeesow ayaa hadalkiisa ku xoojiyay "Runtii ciidankeenna guul weyn ayay gaareen, geesiyaal bayna ahaayeen, ciidamo xoog badan ayuu Madaxweynaha meesha geeyay. Madaxweynihii ayaa Caasimadda Dhuusamareeb u fadhiistay hawlgalka oo bartaas ka hoggaaminayay, kaartooyin ayaa jiray oo la akhriyay oo lagu dagaal galaayay, oo ay Saraakiil soo diyaariyeen, hubaal waxaa ah in garanwaa uu soo kala dhex galay ciidamada."
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Raysal Wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa labaduba sheegay in lala xisaabtami doono kuwa ciidamada u hoosaasinaya kooxaha argagixisada.
Ciidamada ayaa la sheegaya inaanay dagaal uga soo bixin furimaha hore, balse ay uga soo baxeen cabasho ay qabaan.
Madaxda Qaranka ayaa la eegayaa waxa ay ka qaban doonaan cabashada iyo gadoodka ciidamada.
Inkasto aanay weli jirin cid arrimahaasi loo hayo amaba loo ciqaabay, haddana waxaa socda qorshe ciidamada dib loogu celinayo saldhigyadii ay ka soo qalab qaateen.


