Xildhibaan lagu weeraray hoygiisa Magaalada Garoowe

Xildhibaan Cabdiqani Nuur Aw-Faarax (Dhaashane) oo ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Puntland ayaa xalay lagu weeraray afaafka hore hoyga uu ka degan yahay Magaalada Garoowe.

Kooxo hubeysan oo wejiyada soo duubtay ayaa la sheegay inay Xildhibaanka weerareen, kuwaa oo markii dambena jirdil u gaystay.

Xildhibaan Cabdiqani Dhaashane oo goor dambe oo xalay ahayd Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay inay soo weerareen dabley la socotay laba gaari, oo mid ka mida lagu horgooyay gaarigii uu watay, xilli uu ka yimid Hotel Martisoor, kuna sii jeeday hoygiisa, isla-markaana uu weerarkaasi la kulmay mar uu hoygiisa ka ag-marayay.

"Waxaa la igu bilaabay xabad, waxaana la damcay in gaariga xoog la iga soo saaro, afar nin baa gaariga daaqadihiisa furtay, ninkii daaqadayda furay baan qoriga ku qabsaday markii aan ku qabsadayna nabarka dhaawaca ah baa i soo gaaray, ninkii kale oo i dhinac taagnaa baa qoriga dhabarkiisa wuxuu iga la dhacay wejiga. Nimankaasi waxay lahaayeen ma adigaa dastuur furi kara oo isku dayi kara berri inaad dastuur furtid." Ayuu yiri Xildhibaan Cabdiqani Dhaashane.

Xildhibaanka ayaa sheegay in weerarka uu ku socday muddo 15 daqiiqo ah, rasaas badana ay raggaasi ku rideen.

"Nimankaas muddo 15 daqiiqo baa waxaa nagu socday dagaal, xabado badan bay igu rideen, wax igu dhacay hadda ma leh, waxaana inta badan anigana ku dagaalamayay dhagax, waardiye ila ma socon, bastooladna maanan haysan. Nin muwaadin ah oo magaaladiisii dhex jooga baan ahaa, oo magaaladii uu ku dhashay oo uu ku koray ah, aadna looga yaqaano, mana ahayn dembiile." Ayuu yiri Xildhibaan Dhaashane.

Xildhibaan Dhaashane ayaa weerarkan ku eedeeyay dhinacyada ka soo horjeeda Dowlad Goboleedka Puntland, ee ka biyo diidan qorshaha uu maamulku ku doonayo in wax ka bedel loogu sameeyo Dastuurka Puntland. Xildhibaanka ayaa intaasi ku daray in maalmihii ugu dambeysay ay soo gaarayeen farriimo loogu hanjabayo, looguna sheegayo in la afduubi doono.

Tani ayaa ku soo aadaysa, xilli maanta lagu wado in uu furmo Kalfadhiga Baarlamaanka Puntland, lana filayo in la horkeeno furista dastuurka, si wax lagaga bedelo tirada xisbiyada siyaasadda ee Puntland.

Golaha Wasiirada Puntland ayaa 4-tii bishii May isku raacay in tirada xisbiyada siyaasadda laga dhigo shan, halka ay markii hore saddex ka ahaayeen, taas oo xiisad siyaasadeed ka abuurtay Puntland.

Gudoomiyaha Baarlamaanka Puntland, Cabdirashiid Yuusuf Jibriil ayaa dhawaan sheegay in Madaxtooyada ay u soo gudbisay soo jeedinteeda ku aaddan in wax ka bedel lagu sameeyo dastuurka, sharciyadna ay u leedahay.