Xildhibaan Yaasiin Farey oo beeniyay in ciidamadu soo banneeyeen Degmada Ceeldheer

Xilildhibaan Yaasiin Cabdullaahi Maxamuud (Yaasiin Farey) oo ka tirsan Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka ayaa si adag u beeniyay wararka sheegaya in Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa deegaanka ay ka baxeen Degmada Ceeldheer ee Gobolka Galgaduud.

Xilildhibaan Yaasiin Cabdullaahi Maxamuud oo muddooyinkii ugu dambeysay ku sugnaa furimaha dagaalka, haatana ku sugan degmadaasi ayaa sheegay inuu qudhiisu maqlay warka sheegaya in ciidamada dib uga soo gurteen degmadaasi, ha yeeshee aanay waxba ka jirin.

"Aniga waxaan ku suganahay dhinaca Degmada Ceeldheer, waxaas waan maqlayay, laakiin waxba kama jiraan, aniga kula hadlayo ayaa ku sugan Degmada Ceeldheer." Ayuu yiri Xildhibaanka.

Xildhibaanka oo VOA la hadlay ayaa yiri "Waxaan rabaa inaan u sheego guud ahaan dadka Soomaaliyeed, gaar ahaan dadka reer Galmudug inaysan jirin wararka sheegaya, ee ah in Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ay ka soo baxeen furimaha dhanka aniga aan ku suganahay."

Yaasiin Farey oo horey u soo noqday Kusimaha Agaasimaha Hay'adda Nabad Sugidda & Sirdoonka Qaranka (NISA) ayaa sheegay inaanu wax dhib iyo culeys ah midna ka jirin degmadaasi.

"Aniga ayaa ku sugan gudaha magaalada, waxaana jooga Ciidanka Xoogga Dalka iyo ciidamada deegaanka, oo ku filan difaaca degmada, aniguna magaalada gudaheeda ayaan deganahay, wax dhib ah ama culeys ah aan dareemayo haba yaraatee ma jirto." Ayuu yiri Xildhibaan Yaasiin Yarey.

Xildhibaan Yaasiin Farey ayaa wax aan suurtagal ahayn ku tilmaamay in Taliska Ciidanka Xoogga Dalka uu qorsheynayo in ciidamadu ay dib uga soo gurtaan degmadan, oo horaantii sanadkan laga saaray maleeshiyada Al Shabaab.

"Ma jiraan, ma jiraan oo wax dhici karta maba ahanba, degmadan waad la socotaa waxaa la qabtay bishii January ee sanadkan. Taliska Ciidanka Xoogga Dalka aad baan uga war haynaa iyo Wasaaradda Gaashaandhigga, wax hadda annaga aan ognahay oo in laga baxo ah Degmada Ceeldheer ma jiraan." Ayuu yiri Yaasiin Farey.

Waxaa uu sheegay inaanu waxba kala socon xaaladaha kale ee ka jira goobaha ay ciidamadu dhawaan la wareegeen, balse uu ka warami karo oo qura xaaladda Degmada Ceeldheer iyo deegaanada ku xeeran.

"Aniga inta aan ka war hayo waa degmadan hadda aan ku suganahay iyo deegaanada ku xeeran, dadkeedana way abaabulan yihiin, Ciidanka Xoogga Dalkana waa u diyaarsan yihiin, ciidamada deegaankana ayaga ayaa hadda gacanta ku hayo amniga iyo difaaca Degmada Ceeldheer." Ayuu yiri Yaasiin Farey.

Ceeldheer ayaa la fahamsan yahay in maalmihii ugu dambeysay lagu diyaarinayay ciidamo loogu talagalay in ay qabtaan deegaanka Shaway, oo hoostagga Degmada Galhareeri, isla-markaana ay gacan ka gaystaan hawlgalka la doonayo in ciidamadu ay Shabaabka kaga saaraan degmadaasi.