Xildhibaanada Baarlamaanka Somaliya oo qaarkood qaadacay ka qaybgalka fadhiyada guud ee Baarlamaanka

Xildhibaanada Baarlamaanka Somaliya oo ay ku jiraan kuwa taageersan Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed, oo ay ku mideysan yihiin Siyaasiyiinta Mucaaradka ee Madasha Samatabixinta, Jubbaland iyo Puntland ayaa caawa ku dhawaaqay inaysan ka qaybgeli doonin fadhiyada Labada Aqal ee Baarlamaanka ee wax ka bedelka loogu sameynayo Dastuurka Qaranka.

Xildhibaanadan ayaa warsaxaafadeed ku sheegay in arrinta wax ka bedelka Dastuurka Dowladda Federaalka ay khatar ku tahay midnimada dalka iyo mustaqbalka dowladnimada dalka.

"Waxaan halkan si rasmi ah ugu caddeynaynaa inaan qaadacnay ka qaybgalka kulamada Baarlamaanka ee lagu bedelayo Dastuurka Qaranka, maadaama arrintani tahay mid khatar ku ah midnimada dalka iyo mustaqbalka dowladnimada dalka." Ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka oo Xildhibaan Axmed Cabdi Kooshin uu Warbaahinta u akhriyay.

Xildhibaanadan ayaa waxaa muuqato in mowqifkoodan ay u qaateen, si looga hortago qorshaha ay Villa Somalia riixeyso ee ku aaddan in la bedelo shan ka mid ah 15-ka cutub ee Dastuurka KMG, inkastoo ay diideen inay cid gaar ahi kaga soo horjeedaan amaba ay ku mucaaradayaan.

"Waxaan si cad u adkeynaynaa in difaaca dastuurka aanu ahayn mucaaradnimo, bartilmaameed qaas ah oo qof ama koox gaar ah looga dan leeyahay, balse uu yahay waajib qaran iyo masuuliyad ka dhalatay dhaarta aan u marnay ilaalinta jiritaanka dowladnimada, midnimada dalka iyo danaha jiilka soo socda." Ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka.

Warsaxaafadeedka ayaa lagu sheegay "Dastuurka Federaalka Somaliya waa ku-meel-gaar, taasoo macnaheedu yahay inaan weli heshiis buuxa laga gaarin qodobada aasaaska u ah federalism-ka, oo ay kow tahay qeexidda iyo kala qaybinta awoodaha (2) maamulidda khayraadka dabiiciga ah (3) qoondaynta dakhliga gudaha iyo kaalmada dibadda (4) xiriirka u dhaxeeya Federaalka iyo Maamul Goboleedyada."

Go'aankan ayay ku dhawaaqeen saacado ka hor kulanka wadajirka ah ee lagu wado inay Xildhibaanada Labada Aqal berrito ku yeeshaan Xarunta Villa Hargeisa ee Magaalada Muqdisho, si loo sii ambaqaado qodobada u baahan in wax ka bedelka lagu sameeyo ee cutubyada Dastuurka KMG ee miiska saaran.

Xildhibaanadan ayaa waxaa ka mid ah kuwo uu Guddoonka Golaha Shacabka ka joojiyay ka qaybgalka fadhiyada guud ee Labada Aqal iyo kan Golaha Shacabkaba, ka dib markii uu guddoonku ku eedeeyay inay carqaladeynayaan habsami u socodka ee kulamada Baarlamaanka.

Xildhibaanadan ayaa waxaa hadda dheelitiraya wejiyada cusub ee aan mucaaradnimada lagu aqoon ee qaadacsan wax ka bedelka Dastuurka Qabyo Qoraalka, sababtu tahay xilliga fasaxa ee Xildhibaanada oo la joogo, waqtigii sharci ahaa ee Baarlamaanka oo geba-gabo ku dhow iyo in wax ka bedelka dastuurka ay dooddiisu jiitami doonto, taasoo dalka gelineysa firaaq dastuuri ah.

Xiisaddan siyaasadeedka ee aadka u sarreyso ee soo korortay, isla-markaana kala qaybisay Xildhibaanada Baarlamaanka iyo heshiiska aan weli laga gaarin nooca doorasho ee ay tahay in dalka laga qabto sanadkan ayaa u gogol xaari karta in Dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ay muddo kororsi sameyso amaba inay codsato waqti ay dalka ku gaarsiin karto doorasho heshiis lagu yahay, waaba haddii ay dowladdu ka tanaasusho siyaasaddeedii ay dalka ku gaarsiineysay doorashada qofka iyo codka, taasoo ay ku heli karto muddo kordhin cayiman oo la isla ogol yahay.