Xildhibaanada Golaha Shacabka, kuwooda ka maqnaada fadhiyada oo mushaarka laga jarayo

Gudoonka Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka ayaa ku dhawaaqay in laga bilaabo bishan ay mushaarka ka jari doonaan Xildhibaanada aan iman kulamada golaha.

Gudoomiye Kuxigeenka 2aad ee Golaha Shacabka, Cabdullaahi Cumar Abshirow ayaa maanta sheegay in tallaabo laga qaadi doono Xildhibaanada aan ka soo qaybgelin kulamada ay yeelanayaan.

Gudoomiye Kuxigeenka ayaa Xildhibaanada ku dhaliilay inay caadeysteen inay iska maqnaadaan, iyagoo welibana magaalada jooga.

"Waan dulqaadanay, dulqaadkeennii wuxuu gaaray in Xildhibaanada ay iska maqnaadaan, iyagoo jooga." Ayuu yiri Gudoomiye Kuxigeenka 2aad ee Golaha Shacabka.

Gudoomiye Abshirow ayaa sheegaya in ay dabaqi doonaan, oo ay fulin doonaan qodobka ugu qoran Xeer Hoosaadka Golaha Shacabka ee sheegaya in Xildhibaankii aan fadhiyada ka soo qaybgelin laga jaro gunnadiisa.

"Waxaan dabaqaynaa qodobkii Xeer Hoosaadkeenna noogu qornaa, ee ahaa Xildhibaankii golaha imaan waayo in gunnadiisa laga jaro qaybta kaga aaddan." Ayuu yiri Gudoomiye Abshirow.

Abshirow ayaa intaasi ku daray "Xildhibaanada sharafta leh waxaan rabaa inaan idiin la socodsiiyo in bishan aad jeebkiinna ka arki doontiin, haddiii uu Ilaahay idmo in gunnada laga jaro Xildhibaanada golaha imaan waayo ee shaqadooda gudan waayay, intiina imaatayna waad mahadsan tihiin. Shirkeenna waa xiran yahay."

Tani ayaa lagu cadaadinayaa xubnaha aan inta badan soo xaadirin kulamada ay Xildhibaanadu ku yeeshaan Xaruntooda Villa Hargeisa ee Magaalada Muqdisho.

Ka dib markii Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu 29-kii bishii September furay Kalfadhigga 7aad ee Labada Aqal ee Baarlamaanka ayaa waxaa marar badan kooram la'aan u baaqday kulamada Golaha Shacabka, ka gadaal markii ay soo xaadiri waayeen kooramka ama tirada uu kulanka ku furmi karo.

139 Xildhibaan ayaa ah kooramka uu ku furmayo kulanka guud ee Golaha Shacabka, iyadoona goluhu uu ka kooban yahay 275 Xildhibaan.