Xildhibaanada Golaha Shacabka oo ansixiyay Sharciga La dagaalanka Argagixisada

Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka ayaa maanta ansixiyay Sharciga La dagaalanka Argagixisada, ka dib markii ay akhrinta 3aad mariyeen.

Gudoomiyaha Golaha Shacabka, Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe) oo kulanka shir guddoominayay ayaa dood dheer ka dib waxa uu Xildhibanaada ugu baaqay inay cod u qaadaan xeerkan.

Xildhibaanada ayaa cod gacantaag ah ku meelmariyay inuu dhaqangal noqdo Hindise Sharciyeedka La dagaalanka Argagixisada, oo ay soo diyaarisay Wasaaradda Amniga Gudaha.

Gudoomiyaha Golaha Shacabka oo ku dhawaaqay natiijada codeynta ayaa sheegay in 133 Xildhibaan ay ogolaadeen sharcigan, isaga oo tilmaamay in 7 ay ka aamustay, halka 3-na ay diiday.

"Sidaasi daraadeed waa ansax Sharciga La dagaalanka Argagixisada." Ayuu yiri Gudoomiyaha Golaha Shacabka.

Gudoomiyaha ayaa sheegay in sharcigan uu muhiim u yahay dagaalka ka dhanka ah kooxaha argagixisada, ee dagaalka kala soo horjeeda Dowladda Federaalka, bacdamaa ay Somaliya dhibaato weyn ku hayaan sida uu yiri Al Shabaab iyo Daacish.

Gudoomiye Aadan Madoobe ayaa meesha ka saaray walaaca ay dadka qaarkii ka muujinayaan in qodobada qaar ee sharcigan ku xusan ay horseedi karaan in la waxyeeleeyo dad aan qayb ka ahayn kooxaha argagixisada, marka aad eegto walaaca dadkaasi ay ka muujinayaan inaanan si sax ah loo qeexin ereyada qaar ee qodobadaasi loo adeegsaday.

"Shakhsi siyaasad kale ka hadlayo ama arrin kale ka buuqsan ma ahan argagixisada, sidaasaa loo caddeeyay." Ayuu yiri Aadan Madoobe.

Xeerkan ayaa hadda loo gudbinaya Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka, si ay Senatorada uga doodaan. Aqalka Sare ayaana uga gudbi doona Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, oo haddii uu saxiixo uu dhaqangal noqonayo.

Waa markii ugu horreysay ee Golaha Shacabka ansixiyo sharcigan, oo muddo dheer horyaalay golaha. Xukuumadihii kala dambeeyay ee dalka ayaana marar badan wax ka bedel ku sameeyay.