Xildhibaanada Golaha Shacabka oo galay fasax muddo laba bilood ah

Gudoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka, Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe) ayaa maanta soo xiray Kalfadhiga 2ad ee Golaha Shacabka, iyadoona ay Xildhibaanadu gelayaan fasax muddo laba bilood ah.

Xildhibaanada oo maanta kulankoodii ugu dambeeyay ee Kalfadhiga 2aad ku yeeshay Xarunta Villa Hargeisa ee Magaalada Muqdisho ayaa lagu dhaariyay Xildhibaan Mukhtaar Maxamed Mursal Boorow, oo dhawaan lagu doortay Magaalada Baydhabo.

Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaan wax fasax ah gelin, tan iyo 15-kii bishii November, markaas oo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu si rasmi ah ugu furay Kalfadhigooda 2aad.

Soddon kulan oo muddadaasi ay Xildhibaanadu yeesheen ayay ku ansixiyeen Hindise Sharciyeedyo badan, kuwaa laga xusi karo Sharciga Hay'adda Nabad Sugidda, Sharciga La dagaalanka Argagixisada, Sharciga Cunaqabateynta Maaliyadeed ee Cayiman, Sharciga Korontada Qaranka iyo Sharciga Laanta Socdaalka.

"Xildhibaano ii ogolaada inaan dulmar kooban ku sameeyo intii aan ku guda jirnay waajibaadka Kalfadhigii 2aad, Golaha Shacabka waxaa soo gaaray Hindise Sharciyeedyo badan oo muhiim gaar ah u ah dowladnimada. Waa Allah mahadiis in dhammaan Hindise Sharciyeedyadaas uu goluhu go'aan ka gaaray, ayna isugu jiraan kuwa loo gudbiyay Golaha Aqalka Sare iyo kuwo loo gudbiyay Xafiiska Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka, si uu u meelmariyo." Ayuu yiri Gudoomiyaha Golaha Shacabka.

Gudoomiyaha ayaa yiri "Xildhibaanada sharafta leh Baarlamaanka Labadiisa Aqal guud ahaan, gaar ahaan Golaha Shacabka oo dadaal badan sameeyay waxay ansixiyeen shuruudihii ku xirnaa dayn-cafinta dhammaantood Kalfadhigan 2aad, Xildhibaanadana ay door wanaagsan ka ciyaareen. Arrintaas waxaan ka codsanaynaa caalamka inay dayn-cafinta fududeeyaan, si Somaliya ay u noqoto dowlad isku filan."

Gudoomiye Aadan Madoobe ayaa hoosta ka xariiqay in Kalfadhigga 3aad ay muhiimad gaar ahi siin doonaan Dib U Eegista Dastuurka KMG.

Xildhibaanada ayaa muddada fasaxooda waxay dib ugu laaban doonaan deegaan doorashadooda, si ay u soo qiimeeyaan xaaladda nololeyd ee bulshada ay metelaan.