Xildhibaanada Labada Aqal oo dedejinaya wax ka bedelka Dastuurka KMG
Xildhibaanada Labada Aqal ee Baarlamaanka Somaliya ee taageersan siyaasadda Dowladda Federaalka ayaa dedejinaya wax bedelka lagu sameynayo cutubyada qaar ee Dastuurka KMG.
Xildhibaanada Labada Aqal oo maanta kulan ku yeeshay Xarunta Villa Hargeisa ee Magaalada Muqdisho ayaa soo geba-gabeeyay doodda cutubka 5aad ee Dastuurka Dowladda Federaalka, iyadoo la fulinayo baaqii Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ee ahaa in si dhakhsa ah loo dhameystiro amaba loo qabyo tiro Dastuurka Qaranka.
Madaxweyne Xasan Sheekh oo habeen hore Aqalka Madaxtooyada ku qaabilay Guddoonka Gole ee Baarlamaanka, oo uu ka maqan yahay Gudoomiyaha Aqalka Sare, Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa ka codsaday in la dedejiyo doodaha ay Xildhibaanadu ka yeelanayaan shanta cutub ee 28-kii bishii January la horgeeyay ee kala ah 5aad, 6aad, 7aad, 8aad iyo 9aad, ka dibna ay ansixiyaan.
Madaxweynaha ayaa doonaya in la xadido doodaha ay Mudaneyaasha Baarlamaanka ka yeelanayaan cutubyada dastuurka ee horyaalla, maadaama waqtigu uu ciriiri yahay.
Xildhibaanada Labada Aqal oo ay ka maqan yihiin illaa 50 Mudane oo habeenkii Axadda qaadacay ka qaybgalka fadhiyada wadajirka ah ee Labada Aqal ayaa Isniintii bilaabay ka doodista cutubka 5aad, iyagoona maanta soo geba-gabeeyay dooddii ay ka yeelanayeen cutubkaasi, sida uu ku dhawaaqay Gudoomiye Kuxigeenka 1aad ee Golaha Aqalka Sare, Cali Shacbaan Ibraahim.
Gudoomiye Kuxigeenka 1aad ee Aqalka Sare ayaa sheegay in Sabtida la bilaabi doono doodda ay Xildhibaanada ka yeelanayaan cutubka 6aad, sidaana ay howsha ugu sii socon doono illaa cutubka ugu dambeeya.
Xildhibaanada Labada Aqal ayaa waxay u muuqdaan kuwo si aan daahfurneyn uga doodaya qodobada ku jira cutubyada la doonayo in wax ka bedelka lagu sameeyo, marka aad eegto degdegga ka muuqanaya kulamadii ugu dambeeyay ee ay ka yeesheen.
Ansixinta cutubyadan ayaa qaadan doona waqti aad uga yar midkii ay Xildhibaanadu bishii March ee sanadkii 2024 ku ansixiyeen afar cutub oo Dastuurka KMG ah, oo ka doodistooda ay bilaabeen bishii January ee sanadkaasi, markaas oo muddo laba bilood ah ay ku soo afmeereen.
Hadda, maadaama aysan jirin wax culeys ah oo Villa Somalia ka haysta dhinaca Xildhibaanada taabacsan Mucaaradka Dowladda Federaalka iyo kuwa kale ee sida iskood ah u diidan in haataan la furo doodaha wax looga bedelayo Dastuurka Qabyo Qoraalka, uma baahna Guddoonka Baarlamaanka waqti badan oo lagu lumiyaa qodobada u baahan in turxaan bixinta lagu sameeyo, duuduubna ay tahay in looga gudbo.

















