Xildhibaanada Labada Aqal oo mar kale kulan wadajir ah ku leh Muqdisho

Xildhibaanada Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka ayaa lagu wadaa in mar kale maanta ay kulan ka yeeshaan warbixinta xeerka qoondada ku noqoshada ee miisaaniyadda 2023.

Xildhibaanada Labada Aqal ayaa akhrinta 3aad marsiin doona ku noqoshada miisaaniyadda 2023, iyadoona ay dood ka yeelanayaan.

Khamiistii, Xildhibaanada oo dood adag ka yeeshay ayaa su'aalo ka weydiiyay Wasiir Kuxigeenka Wasaaradda Maaliyadda ee Xukuumadda Federaalka, Cabdiqafaar Cilmi Xaange iyo xubno kale oo ka socday wasaaraddaasi.

Doodda Xildhibanaada ayaa ku saleysan toosin iyo sixid waxyaabaha ay u arkaan in ay ka khaldan yihiin warbixintan, oo Labada Aqal ay u soo gudbiyeen Guddiga Maaliyadda ee Baarlamaanka Federaalka. 

Gudoomiyaha Golaha Shacabka, Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe) oo kulankii Khamiista shir guddoominayay ayaa ku baaqay in la tixgeliyo talooyinka Xildhibaanada.

Kulanka ayaa goor dhow lagu wadaa in uu ka furmo Xarunta Golaha Shacabka (Villa Hargeisa) ee Magaalada Muqdisho.