Xiriirka UEFA oo Garsoore Cumar Cartan u doortay inuu dhexdhexaadiyo ciyaarta PSG iyo Aston Villa

Xiriirka Kubadda Cagta Yurub ee UEFA ayaa ku dhawaaqay in Garsoore Cumar Cartan uu dhexdhexaadin doono Finalka UEFA Super Cup ee ay wada ciyaarayaan kooxaha PSG iyo Aston Villa oo ka kala tirsan Horyaalada Ingiriiska iyo Faransiiska.
Kulankan ayaa 12-ka bisha August ka dhacaya Magaalada Salzburg, oo ah magaalo ku taala cirifka Buuraha Alps ee dalkaasi Austria.
Xiriirka UEFA ayaa Khamiistan shaaciyay in Garsooraha Soomaaliga ah ee Mareykanka uu ka mamnuucay inuu dalkaasi galo loo doortay inuu ka qaybgalo ciyaarta UEFA Super Cup ee bisha August.
Paris Saint-Germain ama PSG ayaa bishii May ku guuleysatay Champions League, halka Aston Villa ay tahay kooxda ku guulaysatay Europa Leaque-ga.
Inkasta oo Xiriirka Kubadda Cagta Adduunka ee FIFA uu Garsoore Cartan u doortay 52-ka Garsoore ee dhexdhexaadinaya kulamada Koobka Adduunka ee ka qabsoomaya Mareykanka, Mexico iyo Canada, haddana Madaxda Mareykanka ayaa u diiday inuu galo Magaalada Miami, oo saldhig u ah Garsooreyaasha FIFA.
Cartan oo hadda ahaa garsooraha ugu sarreya ee Xiriirka Kubadda Cagta Afrika ee CAF ayaa Arbacadii lagu soo dhaweeyay magaala madaxda Somaliya ee Muqdisho, isagoona loo aqoonsaday Halyeey Qaran.


