Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey oo booqasho ku yimid Muqdisho 

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey, António Guterres iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta soo gaaray Magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha Somaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Xarunta Madaxtooyada Qaranka ku qaabilay Xoghayaha Guud ee Qaramada Mioobey.

Madaxweynaha iyo Xoghayaha ayaa ka wada hadlay mustaqbalka iskaashiga labada dhinac, qorsheyaasha mudnaanta u leh Dowladda Somaliya, caqabadaha jira iyo dhinacyada ay tahay in gargaarka iyo waxqabadka Hay’adaha Qaramada Midoobey ee ka hawlgala Soomaaliya ay xoogga saaraan, si loo xaqiijiyo dib u soo kabashada Somaliya.

Madaxweynaha Dowladda Federaalka ayaa soo bandhigay guulaha laga gaaray dhinacyada amniga dalka, xoojinta dowadnimada, dayn-cafinta, kobcinta kaabeyaasha dhaqaalaha iyo dib u heshiisinta. 

Madaxweynaha ayaa dul istaagay culeysyada iyo xaaladaha adag ee ay la tacaalayso dowladdu, kuwaas oo ay uga horreyaan abaaraha galaaftay nolasha kumannaan qoys, saameynta isbedelka cimilada, saboolnimada iyo colaadaha sokeeye.

“Tani waa booqasho garab istaag ah oo ku wajahan dowladda iyo hannaanka dimuqraadiga ah ee Soomaaliya. Booqashadan waxay noo xaqiijinaysaa in Qaramada Midoobay ay si buuxda uga go'an tahay inay taageerto qorsheyaasheenna dhanka dowlad dhiska iyo xasilinta dalka. Waxaan ku kalsoonnahay in dadka Soomaaliyeed ay awood u yeelan doonaan in ay ka gudbaan dhibaatooyinka iyo caqabadaha ay weli wajahayaan, iyada oo loo marayo dhammeystirka xoreynta dalka iyo dib u heshiisiinta." Ayuu yiri Madaxweynaha oo ka barbar hadlayay António Guterres.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa uga mahadceliyay António Guterres booqashadiisan dalka, waxa uuna ka rajeeyay in dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed lagu garab istaago gaaridda hiigsigooda ku aaddan Somaliya horumarsan, xasilloon, door wanaagsana ka qaadata arrimaha gobolka.

Guterres ayaa dhankiisa muujiyay sida uu ugu faraxsan yahay booqashadiisa Somaliya, isagoo uga mahadceliyay Madaxweyne Xasan Sheekh soo dhaweynta diiran ee uu u sameeyay isaga iyo wafdigiisa, waxa uuna xusay in uu fahamsan yahay xaaladaha bani'aadanimo ee ay la tacaalayso Dowladda Somaliya, lana xoojinayo taageerada iyo garab istaagga dalka.