Xoghayihii Dowladda Hoose ee Gaalkacyo oo lagu dilay dagaalka Gobolka Mudug

Wararka ka imaanaya Koonfurta Gobolka Mudug ayaa sheegaya in weli uu dagaal culus ka socdo hawdka deegaanka Shabellow ee gobolkaasi.

Ciidanka Xoogga Dalka, Daraawiishta Galmudug iyo Xoogaga Difaaca Shacabka ayaa saakay weerar dhowr jiho leh ku qaaday goobaha ay maleeshiyada Al Shabaab kaga sugan yihiin dhulka hawdka.

Ciidamada ayaa la sheegaya in maleeshiyada ay ka saareen qaar ka mid ah barrihii ay ka dagaalamayeen, inkastoo duhurnimadii maanta ay dib ugu qabsadeen weerar rogaalcelin ah.

Weerarka rogaalcelinta ayaa la sheegay in ay ku dhinteen askar iyo masuuliyiin wax ka hoggaamineysay dagaalka.

Xoghayihii Dowladda Hoose ee Degmada Gaalkacyo ee qaybta Galmudug, Cabdiqani Maxamuud Axmed (Afyare) iyo Korneyl Calinaasir Cabdi Faarax oo ka tirsanaa Saraakiisha Ciidanka Xoogga Dalka ayaa la xaqiijiyay in ay ka mid yihiin masuuliyiinta lagu dilay dagaalka.

Sidoo kale Gudoomiyihii deegaanka Bajeele ee gobolkaasi, Maxamed Abshir Shuuke ayaa la sheegaya in uu ku dhintay dagaalka, inkastoo masuuliyiintu aanay weli xaqiijin geerida ninkaasi.

Saraakiisha Ciidamada oo mar kale dib u abaabulay ciidanka ayaa waxay weerar xoogan ku qaadeen aagagga la doonayo in laga saaro maleeshiyada Shabaabka.

Wariyeyaasha ayaa soo sheegaya in galabta uu dhinacyadaasi dagaal qaraar ku dhex marayo hawdka Shabellow, isla-markaana ay ciidamadu u muuqdaan kuwo horumar ka sameynaya dagaalka.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliya, Axmed Macalin Fiqi oo muddooyinkii ugu dambeysay ku sugnaa gobolka ayaa sheegay in Shabaabka khasaare badan lagu gaarsiiyay dagaalkaasi.

"Nabar culus ayaa Khawaarijta lagu gaarsiiyay dagaalka maantay ka socda Koonfurta Gobolka Mudug." Ayuu Wasiir Fiqi ku sheegay bartiisa Facebook.

Saraakiisha Militariga ayaa ku hanjabay in ay ciidamadu sii wadi doonaan dagaalka ay kooxaha argagixisada kaga saarayaan dhulka hawdka ee deegaankaasi.