Xoogag cusub oo lagu soo bandhigay Degmada Wisil ee Gobolka Mudug
Degmada Wisil ee Gobolka Mudug ayaa gelinkii dambe ee Isniintii lagu soo bandhigay xoogaga deegaanka ee loogu talagalay in ay ka qayb qaataan wejiga labaad ee hawlgalka ka dhanka ah maleeshiyada Al Shabaab.
Dadka reer Wisil ayaa maalmahaanba loo abaabulayay, sidii ay door muuqdo ugu yeelan lahaayeen hawlgalka dib-u-xoreynta ee deegaanada Galmudug.
Xoogagan ayaa lagu soo bandhigay fagaare ku yaala degmadaasi, iyagoo ku hubeysan hubka noocyadiisa kala duwan iyo gaadiidka dagaalka.
Xoogagan ayaa waxaa qayb ka ah Xerta Ahlu Sunnada Gobolada Dhexe, kuwaa oo muujiyay in ay diyaar u yihiin in mar kale ay wajahaan maleeshiyada Al Shabaab.
Xerta Ahlu Sunna ayay dadku xusuustaan in 27-kii bishii June ee sanadkii 2021 ay ka hortaggeen weerar qaraxyo ku bilowday oo Shabaabku ku qaadeen Wisil. Xertan ayaa ka mid ah Xoogagii Ahlu Sunna ee kala irdhoobay, ka dib markii Dowladdii Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Dowlad Goboleedka Galmudug ay Maamulkii Ahlu Sunnada Gobolada Dhexe kala wareegeen magaalooyinkii ay ka arriminayeen.
Wararka ayaa sheegaya in xoogagan ay haatan la hawlgeli doonaan Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa Daraawiishta Galmudug ee la qorsheeyay in ay qabtaan deegaanada koonfureed ee Gobolka Mudug.
Taliska Qaybta 21aad ee Ciidanka Xoogga Dalka ayaa dejiyay qidad dagaal, oo ciidamadu ay tahay in ay ku xoreeyaan deegaano ay ka mid yihiin Bacaadweyne, Shabellow, Caad, Cammaara, Dabagalo iyo Dumaay, oo ah goobaha ugu muhiimsan ee ay xilligan Shabaabku ka joogaan gobolkaasi.
Odayaasha qabaa'ilada iyo maamulada degmooyinka ayaa lagu ammaanay doorkooda ku aaddan abaabulka iyo hawlgelinta dadka deegaanka, si muddo dheer ka dib ay isaga dulqaadaan Shabaabka.
Shabaabka ayaa sanadkan wajahaya culeyskii ugu weynaa ee ka soo fuula dhanka Ciidanka Xoogga Dalka iyo ciidamada kale ay is garabsanayaan.





