Xoogag cusub oo lagu soo bandhigay Dhuusamareeb (SAWIRRO)

Xoogagan oo ah dadka deegaanka ayaa loo diyaariyay in ay ka qayb qaataan wejiga labaad ee hawlgalka ka dhanka ah maleeshiyada Al Shabaab.

Xoogagan oo ku hubeysan hubka noocyadiisa kala duwan iyo gaadiidka dagaalka ayaa lagu soo bandhigay duleedka Magaalada Dhuusamareeb.

Taliska Qaybta 21aad ee Ciidanka Xoogga Dalka iyo Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa ugu talagalay in ay gacan ka gaystaan gulufka Shabaabka lagaga saarayo deegaanada Galmudug.

Saraakiisha Ciidamada Militariga, maamulada degmooyinka iyo odayaasha beelaha ayaa goobo kala duwan ku abaabulay xoogag deegaanka ah, si ay gacan uga gaystaan hawlgalka uu diyaargarowgiisu socdo ee Al Shabaab looga xoreynayo Gobolada Dhexe.

Goobta lagu soo bandhigay xoogagan ayaa waxaa ku sugnaa Xildhibaano, Saraakiil ciidan, Maamulka Gobolka Galgaduud, odayaal iyo waxgarad deegaanka ah.

Dowladda Federaalka ayuu qorshaheedu yahay in wejiga labaad ee hawlgalka lagu soo afjaro waayihii Al Shabaab ee deegaanada Galmudug iyo Hirshabelle.

Wejiga labaad ee hawlgalka ayaa ka cuslaan doono midkii hore, iyadoona Villa Somalia ay damacsan tahay in muddo kooban lagu soo afjaro Shabaabka ka hawlgala bartamaha dalka.