Xoogag lagu diyaariyay Cadaado oo u dhaqaaqay furimaha dagaalka
Wararka ka imaanaya Magaalada Cadaado ee Gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in xoogaga deegaanka ee halkaasi lagu abaabulay ay u dhaqaaqeen furimaha hore ee dagaalka.
Xoogagan oo ah kuwa deegaanka oo si weyn loo abaabulay ayaa Sabtidii lagu soo bandhigay gudaha iyo duleedka Cadaado, iyadoona loo diyaariyay si ay uga qayb qaataan wejiga labaad ee hawlgalka ka dhanka ah maleeshiyada Al Shabaab.
Wararka ayaa sheegaya in xoogagan ay Axaddii ka ambabaxeen barrihii lagu diyaariyay, iyadoona uu qorshuhu yahay in marka hore ay xoreeyaan dhulka ay maleeshiyada Al Shabaab kaga harsan yihiin deegaanada hoostagga Degmooyinka Cadaado iyo Baxdo.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in xoogagan marka xigta ay Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa deegaanka kala qayb qaadan doonaan hawlgalka lagu qabanayo Koonfurta Gobolka Mudug.
Odayaasha Dhaqanka, Maamulka Degmada Cadaado iyo siyaasiyiinta deegaanka ayaa abaabulay oo diyaariyay xoogagan.
Cabdiraxmaan Yuusuf Cumar (Alcadaala), Wasiir Kuxigeenka Wasaaradda Warfaafinta Somaliya oo la hadlayay qaybta lagu soo bandhigay gudaha Cadaado ayaa sheegay in reer Cadaado ay maanta haystaan fursad ay isaga xoreyn karaan Shabaab.
"Waxaan idiin kula dardaarmayaa marka koowaad in caqiiqadiina aad sugtaan oo aad garataan waxa aad u dagaalameysaan, oo ah inaad difaacataan diintiina, dowladnimadiina iyo dadnimadiina. Nimankaa Khawaarijta ah iyagaa idiinku soo duulay, iyaga ayaa deegaankiina idiin kugu yimid, wilaayo uma dhiiban, ma aydaan dooran, ma aydaan dirsan, dal, diin iyo dad midna idiin kala ma dhaxeeyo." Ayuu yiri Alcadaala.
Alcadaala ayaa yiri "Culeyskii Khawaarijtu waa soo dhammaaday, idinka ayuuna idiinku bilowday, idinka ayaana jebiyay qabkoodii. Hadda waxay joogtaa geba-gabadii, xafladeyntii iyo qaniimeysigii, intaas yaanan la idiinka badsanin."
Dowladda Federaalka iyo Taliska Ciidanka Xoogga Dalka ayaa dadaal badani ku bixinaya, sidii loo wiiqi lahaa Shabaabka Galmudug.















