Xoogaga Macawiisleyda oo dhul hor leh kala wareegay Al Shabaab

Ciidanka Difaaca Shacabka ee Macawiisley ayaa maanta weerar ku qaaday deegaan ku yaala xuduudda Gobolada Hiiraan iyo Shabellaha Dhexe, oo ay ku sugnaayeen maleeshiyada Al Shabaab.
Ciidanka Difaaca Shacabka oo ka soo qalab qaatay duleedka deegaanka Ceel-hareeri oo hoostaga Degmada Moqokori ee Gobolka Hiiraan ayaa maleeshiyadaasi ku weeraray deegaanka Hararta, oo ku yaala inta u dhaxeyso Ceel-hareeri iyo Degmada Aadan Yabaal ee Gobolka Shabellaha Dhexe.
Dhinacyada ayuu halkaasi ku dhex maray dagaal culus oo hubka noocyadiisa kala duwan la isku adeegsaday, iyadoona Ciidanka Difaaca Shacabka ay u suurtagashay in ay Al Shabaab ka saaraan deegaankaasi.
Dadka deegaanka ayaa soo sheegaya in maleeshiyadu ay jilbaha u laabatay weerarka, ha yeeshee ay hakin kari waayeen weerarkii Macawiisleyda.
Saraakiisha Macawiisleyda ayaa laga soo xigtay in dagaalka ay ku dileen toban ka mid ah maleeshiyada Shabaabka, isla-markaana ay hub ka furteen maleeshiyadaasi.
Saraakiisha ayaa ku waramaya in deegaanka ay hadda ku sugan yihiin ciidamadooda, maleeshiyadii horey u joogtayna ay bannaanka uga saareen.
Wararka la helayo ayaa sheegaya in xaaladda deegaanka ay u muuqato mid degan, ka dib dagaal dhowr saacadood socday.
Xoogaga Macawiisleyda ee Gobolka Hiiraan ayaa habeenkii Axadda weerar ku galay deegaanka Tawakal oo hoostaga Degmada Aadan Yabaal oo maleeshiyada Al Shabaab ay ku sugneyd.
Xoogagan oo weerarka ka soo qaaday duleedka Degmada Moqokori ayaa Al Shabaab deegaankaasi kula galay mid ka mid ah dagaaladii ugu qaraaraa ee labada dhinac muddooyinkan ku dhex mara deegaanada Hirshabelle.
Macawiisleyda waa ciidan deegaanka ah oo Dowladda Federaalka ay abaabushay, waana dadka deegaanka oo kala garanaya dhulka lagu la dagaalamayo Al Shabaab.


