Xoogaga Macawiisleyda oo hawlgal ka fuliyay meel u dhow Xarunta Al Shabaab ee Gobolka Mudug

Ciidanka Difaaca Shacabka ee Macawiisleyda Gobolka Mudug ayaa xalay hawlgal ka fuliyay meel u dhow xarunta ugu weyn ee ay Al Shabaab ku leedahay gobolkaasi.

Ciidankan oo fadhigoodu uu yahay Degmada Xarardheere, kana qalab qaatay degmadaasi ayaa si gaadmo ah ku weeraray bar kontorool oo maleeshiyada Al Shabaab ay ku leedahay bannaanka deegaanka Jowle oo hoostaga Xarardheere, waana kontoroolka ay maleeshiyadu ku canshuurto gaadiidka dadweynaha.

Jowle ayaa qiyaastii 50km jihada galbeed uga beegan Degmada Xarardheere, waana deegaanka ugu muhiimsan ee ay Al Shabaab haatan kaga sugan tahay koonfurta Gobolka Mudug.

Deegaankan ayaa ku yaala meel istiraatiiji ah, wuxuuna Xarardheere ku xiriiriyaa Magaalooyinka Hobyo, Gaalkacyo, Cadaado, Ceeldheer, Galhareeri iyo Ceelbuur. Al Shabaab ayaana taliskeeda gobolka u soo rartay Jowle, ka dib markii 16-kii bishii January ee sanadkii 2023 ay lumisay gacan ku haynta Xarardheere. Xarardheere waxay ahayd degmadii keliya ee ay Al Shabaab ka maamuleysay gobolkaasi.

Wararka ayaa sheegaya in Xoogaga Macawiisleyda ay dagaal fool ka fool ah la galeen Shabaabkii ku sugnaa barta kontoroolka ee ay beegsadeen.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in xoogagan ay saqdii dhexe ee xalay dib uga gurteen deegaankaasi, isla-markaana ay aadeen dhinaca Xarardheere.

Sarkaal ka tirsan Macawiisleyda Xarardheere oo lagu magacaabo Axmed Maxamed Cali ayaa sheegay in hawlgalka ay ku dileen, inta ay arkeen saddex ka mid ah maleeshiyada Shabaabka, khasaaruhuna uu intaasi ka badan karo.

Xoogaga weerarkan qaaday ayaa ah kuwii 19-kii bishii September lagu soo bandhigay afaafka hore ee Degmada Xarardheere, loona abaabulay la dagaalanka Al Shabaab.

Xoogagan ayaa waxaa xilligaasi dareys iyo qalab ciidanba gaarsiiyay Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka, General Sahal Cabdullaahi Cumar, mar uu booqday degmadaasi.