Xoogaga Macawiisleyda oo jidka u galay Shabaab gurmad ahaa

Ciidanka Difaaca Shacabka ee Macawiisley ayaa maanta jidka u galay maleeshiyo ka tirsan Al Shabaab, xilli ay gurmad ugu socdeen duleedka Degmada Aadan Yabaal ee Gobolka Shabellaha Dhexe.
Maleeshiyadan oo ka soo baxday Degmada Alkowsar ee gobolkaasi ayuu ujeedkoodu ahaa inay xoojiyaan maleeshiyaadii Al Shabaab ee Sabtidii lagu soo jebiyay weerarkii ay ku qaadeen nawaaxiga deegaanka Ceel-hareeri oo hoostaga Degmada Moqokori ee Gobolka Hiiraan.
Shabaabka oo qorsheynayay in ay mar kale weerar ku qaadaan Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa Difaaca Shacabka ee ku sugan deegaankaasi ayay wararku sheegayaan in ay u qaylo dhaamiyaan maleeshiyadooda ku sugan Alkowsar. Alkowsar waxay ka mid tahay Degmooyinka Gobolka Shabellaha Dhexe, taas oo Al Shabaab ay la wareegtay bishii March.
Wararka ayaa sheegaya in maleeshiyada oo gurmad ugu socotay duleedka Degmada Aadan Yabaal ay weerar jidgal ah kala kulmeen Xoogaga Macawiisleyda, isla-markaana ay labada dhinac ku dagaalameen dhulka hawdka ee Alkowsar.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in maleeshiyada oo ka xeeladeysaneysa, isla-markaana ka baxsaneysa weerarada xagga cirka ay door biday inay isticmaalaan waddada wareegga ee hawdka, si ay halkaasi uga soo dhacaan duleedka Degmada Aadan Yabaal, oo ah halkii ay shalay ka weerareen aagga Ceel-hareeri, laakiin ay ka gudbi waayeen weerarkii dhaba-galka ee Macawiisleyda.
Macawiisleyda ayaa la soo sheegaya in gurmadkii maleeshiyadaasi ay ka dhigeen wax la dilo iyo wax kaloo dib u carara, ka dib markii ay ku kadsoomeen weerarkaasi jid-galka ah.
Xoogaga Macawiisleyda ayaa la aaminsan yahay in ay ka yimaadeen duleedka Degmada Moqokori, isla-markaana ay yihiin qayb ka mid ah Ciidankii Difaaca Shacabka ee horey loogu soo daadiyay waddada ka baxda Moqokori ee tagta deegaanka Ceel Cali Axmed oo hoostaga Degmada Aadan Yabaal.
Ciidanka Difaaca Shacabka ee Macawiisley ayaa horaantii bishan bilaabay in ay u hawlgalaan, sida Shabaabka guur-guura oo kale, iyagoona mararka qaarkood weeraro ka gaysanaya goobaha ay ku sugan yihiin Shabaabka iyo xitaa kuwooda lugeynaya oo waddooyinka qarda-jeexa ay ku weerarayaan.
Macawiisleyda ayaa haatan si firfircoon uga hawlgalaya bariga deegaanada Hirshabelle, waxayna lug ku taggaan goobo aad uga durugsan meelaha ay degan yihiin, si ay uga hortaggaan weerar ay Shabaabku soo qaadi rabeen.
Macawiisleyda ayaa garab u noqday Ciidanka Xoogga Dalka oo muddo dheer dagaal kula jiray Al Shabaab, oo dalka iyo dunidaba looga tixgeliyo urur argagixiso.


