Xubin ka tirsan Shabaab oo lagu qabtay Muqdisho

Taliska Qaybta Booliska Gobolka Banaadir ayaa xalay soo bandhigay nin dhallinyaro ah, oo sida ay sheegeen hoggaaminayay koox Axaddii hoobiyeyaal ku weerartay Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalad Muqdisho.
Hoobiyeyaashan oo Taliska Booliska uu sheegay inay ahaayeen kuwo macmal ah ayaa waxaan jirin cid ay waxyeelo ka soo gaartay.
Taliska ayaa boggooda ku sheegay in ninkaasi lagu soo qabtay hawlgal ay ciidamada amniga ka sameeyeen caasimadda.
Taliska oo magaca ninkan ku sheegay Xuseen Cali Deerow Buulle ayaa sheegay in baaritaanka ka socda ka dib la horgayn doono sharciga.
Dhanka kale Taliska Qaybta Booliska Gobolka Banaadir ayaa sheegay in ciidamadu ay ka hortaggeen gantaalo rakiban, balse aan weli la ridin, isla-markaana ay burburiyeen.
“Sidoo kale ciidamadu waxay ka hortaggeen gantaalo rakiban oo aan weli la ridin, waxaana qantaaladii lagu burburiyay goobta.” Ayaa lagu sheegay war qoraal ah oo ka soo baxay Taliska Booliska.
Dhamme Sadiiq Aadan Cali (Doodisho), Afhayeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa Axaddii sheegay in hoobiyeyaashaasi laga soo tuuray guri ku yaala deegaanka Garasbaaley ee duleedka Magaalada Muqdisho, oo markii dambe ay Dowladda Federaalka la wareegtay.


