Xubin Shabaab ah oo gacanta lagu dhigay, ka dib weerar ka dhacay Afmadow

Ciidamada amniga ee Degmada Afmadow ee Gobolka Jubbada Hosoe ayaa gacanta ku dhigay nin ka tirsan maleeshiyada Al Shabaab, kaas oo la socday xubno Shabaab ah oo weeraray bar kontorool.
Wararka ayaa sheegaya in raggan ay caawa beegsadeen askar markaasi roondo u dhaqaaqeysay, isla-markaana ay dileen Sarkaal lagu magacaabo Cabdiqaadir Caddow Cabdullaahi iyo askari kale oo ka tirsan Ciidanka Jubbaland.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in ciidamada amniga ay toogasho ku dhaawaceen ninka hadda gacanta lagu hayo, isla-markaana ay ku daba joogaan kuwii kale oo ka baxsaday goobta.
Saraakiisha laamaha amniga ee Jubbaland ayaa laga soo xigtay in uu socdo hawlgal lagu doonayo in lagu soo qabto ragga baxsadka ah.
Sarkaal codsaday inaanan magaciisa la soo xigan ayaa sheegay in ninkan iyo dhowr maleeshiyaad kale oo la socday ay ka masuul yihiin dilka ka dhacay degmadaasi.
Muuqaal la soo dhigay barraha bulshada ayaa muujinaya ninkan oo yaala goob bannaan, isagoo ay xaaladdiisu garaab tahay.
Dhacdadan ayaa ku soo aadeysa, xilli Gudoomiyaha Baarlamaanka Jubbaland, Cabdi Maxamed Cabdiraxmaan iyo wafdi uu hoggaaminayo ay maalintii labaad booqasho ku joogaan degmadaasi.
Gudoomiyaha Baarlamaanka iyo wafdigiisa ayaa Sabtidii Afmadow u tegay dardargelinta hawlgalka Al Shabaab lagaga saarayo Gobolada Jubbooyinka.


