Xubin Shabaab ah oo lagu qabtay hawlgalka Gobolka Jubbada Hoose

Ciidanka Kumaandooska Danab ee Militariga Somaliya ayaa gacanta ku dhigay nin dhallinyaro ah, oo ay ku qabteen hawlgalka ay Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa Daraawiishta Jubbaland ka wadaan Gobolka Jubbada Hoose.

Saraakiisha Danab ayaa laga soo xigtay in ninkan oo lagu magacaabo Aadan Maxamed Aadan uu ka tirsanaa maleeshiyada Al Shabaab, isla-markaana isagoo qori AK47 ah sita lagu qabtay deegaanka Harboole oo hoostaga Degmada Afmadow ee gobolkaasi.

"Saraakiisha hoggaamineysa hawlgalka ayaa noo sheegay in dhagarqabaha la qabtay uu jahwareeray, ka dib markii ay aaggaas ka fuliyeen hawlgalo culus oo cir iyo dhul ah, kuwaas oo sababay in maleeshiyaadkii aaggaas ku jiray ay kala firxadaan." Ayay ku warantay Warbaahinta Qaranka.

War ka soo baxay Taliska Kumaandooska Danab ayaa lagu sheegay in wareysi horudhac ah oo lala yeeshay ninkaasi uu ku sheegay in saaxiibadii ay noqdeen wax dhinta iyo wax kaloo dhaawacma, taasna ay keentay in isagoo ambad ah uu ku dhaco gacanta ciidamada.

Taliska ayaa baahiyay sawirrada ninkan oo laba askari ay sii wadaan, iyadoo dhanka kale la soo bandhigay qoriga la sheegay inuu watay.

Harboole waxay ka mid tahay deegaanada gobolka ee ay ciidamada isku ballaariyeen toddobaadkii hore, iyagoona ka ilaalinaya in ay ka soo gudbaan gurmadka Shabaabka ee isku dayaya in ay culeyska ka yareeyaan maleeshiyada Al Shabaab ee weerarka uu ku haysto deegaanka Dhasheeg Waamo.

Xudunta hawlgalka ka socdo gobolkaasi ayaa ah Dhasheeg Waamo oo la doonayo in dhowr iyo toban sano ka dib laga kiciyo Al Shabaab, sida uu sheegay Afhayeenka Ciidanka Jubbaland, G/dhexe Maxamed Faarax Daahir.