Xubno ay ku jiraan Saraakiil oo lagu dilay dagaal ka dhacay Gobolka Bari

Ciidanka Puntland ayaa maanta jihooyin kala duwan ka weeraray maleeshiyada Daacish ee ku sugan Buuraleyda Calmiskaad ee Gobolka Bari, iyagoona xubno badan ka dilay.

Ciidanka Puntland ayaa saakay weeraray fariisimihii ay maleeshiyadu ku lahayd deegaanada Ciidda-dheer, Dharin, haraanyo iyo Qurac oo dhammaantood dhaca dhulka buuraha.

Sidoo kale ciidamada ayaa jiho kale ka weeraray saldhigga ay Daacishta Somaliya ku leedahay Tog-jaceyl, halkaas oo uu ka dhacay dagaal faraha looga gubtay.

Taliska Ciidanka Puntland ayaa sheegay in la jebiyay maleeshiyadii ku sugneyd Tog-jaceyl, isla-markaana ay ku guuldareysteen in ay is difaacaan.

Taliska ayaa war uu soo saaray ku sheegay in maanta uu bartamaha Tog-jaceyl ka bilowday hawlgal lagaga sifeynayo kooxaha argagixisada.

Dhanka kale ciidamada ayaa gelinkii dambe ee maanta jiidda hore ku soo bandhigay meydadka xubno ay ku jiraan saraakiil, kuwaas oo dhammaantood ajnabi ah.

Taliska Ciidanka Puntland ayaa sheegay in ciidamadu ay dileen ku dhawaad 40 nin oo Daacish ah, una badan dagaal-yahano shisheeye.

Saraakiisha ayaa sheegaya in raggan lagu dilay dagaalkii saakay bilowday ee soo gaaray galabnimadii maanta.

Xubnaha badan ee Daacish looga dilay dagaalkii maanta ayaa ku soo aadaya, iyadoo Mareykanka uu Sabtidii xagga cirka ka garaacay saldhigyo badan oo Daacish ay ku leedahay Buuraleyda Calmiskaad. Duqayntaas ayaa la qiyaasaya in lagu dilay xubno ay saraakiil ku jiraan.

Puntland ayaa qiratay in dhankeeda uu jiro dhimasho kooban iyo dhaawac fudud oo ciidamada ka soo gaaray dagaalkan ugu dambeeyay, sida lagu sheegay war goor dambe uu soo gaaray taliskeeda. Warka ayaana lagu sheegay in ciidamadu ay gacanta ku hayaan dhammaan goobihii lagu dagaalamay.

Wararka ayaa sheegaya in ugu yaraan shan ka mid ah askarta lagu dilay qaraxyo lagu la eegtay buuraha, dhowr iyo toban kalena ay ku dhaawacmeen, inkastoo talisku aanu tiro sax ahi sheegin.

Ciidamada ayaa hadda ku sii fidaya dhinaca sare ee Tog-jaceyl, sida uu sheegay Afhayeenka Ciidanka Puntland, General Maxamuud Maxamed Axmed (Faadhigo).

Afhayeenka ayaa VOA u sheegay in Talaadadan uu si rasmi ah u bilowday wejiga labaad ee hawlgalka.

Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa toddobaadkii hore wacad ku maray in ay dalka ka ciribtiri doonaan Daacish.