Xubno ka tirsan Guddiga Doorashooyinka oo lagu afduubtay Degmada Buuloburde

Wararka ka imanaya Degmada Buuloburde ee Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in xalay degmadaasi laga afduubtay xubno ka tirsan Guddiga Doorashooyinka Qaranka oo Jimcihii gaaray magaalada.
Wararka ayaa sheegaya in kooxo hubeysan ay xubnahaasi oo saddex nin gaaraya ka afduubteen gudaha magaalada.
Waxaa soo baxaya warar sheegaya in kooxahan ay ka soo horjeedaan qaabka ay Dowladda Federaalka u maamuleyso doorashooyinka dalka oo khilaaf xoogan uu ka taagan yahay.
Ragga la qafaashay ayaa Jimcihii ka ambabaxay MagaaladaMuqdisho, iyagoona Buuloburde u joogay tababarka Shaqaalaha Doorashada Golaha Deegaanka ee lagu wado inay bisha April ka qabsoomto degmada.
Xubnahan ayaa diyaarad ka raacay Garoonka Aadan Cadde, iyagoo wada qalabkii doorashada.
Dhowrkii maalmood ay magaalada ku sugnaayeen ayaa waxay deganaayeen hoyga Gudoomiyaha Degmada Buuloburde, Xasan Maxamed Cabdi, halkaas ayaana loo maleynaya in laga kaxeystay.
Buuloburde ayaa waxaa ka socdo dhaqdhaqaaq lagu doonayo in lagu soo furto saddexdaasi nin, oo la tuhunsan yahay in lagu hayo dhinaca bari ee magaalada.


