Xubno la sheegay inay weeraro qorsheynayeen oo lagu qabtay Baraawe

Ciidanka amniga ee Degmada Baraawe ayaa Talaadadii gacanta ku soo dhigay 5 nin oo sida la sheegay ka tirsan maleeshiyada Al Shabaab, isla-markaana qorsheynayay in ay weeraro ka gaystaan degmadaasi.

Degmada Baraawe oo hadda uu ku shaqeeyo Maamulka Gobolka Shabellaha Hoose ayaa waxaa ku sugan Gudoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka, Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe) iyo Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen).

Ciidanka Hay'adda Nabad Sugidda ee degmadaasi ayaa raggan ka soo kala qabtay goobo kala duwan. Afar ka mid ah ayay ka soo qabteen guri ku yaala duleedka degmadaasi, halka saacad ka dibna ay guri kale ka soo qabteen ninka shanaad.

Wararka ayaa sheegaya in ciidamadu ay heleen xogta raggaasi, ka hor intii aanay siyaabooyin kala duwan gacanta ugu soo dhigin. Hawlgalka lagu soo qabtay ayaa waxaa horkacayay Taliyaha Hay'adda Nabad Sugidda ee Degmada Baraawe, Kabtan Cumar Cabdullaahi Yaallow.

Raggan ayaa hadda lagu haya xarumaha laamaha amnigu ku leeyihiin magaalada, iyadoona ay Saraakiishu baarayaan.

Warbaahinta Dowladda ayaa sheegtay in raggaasi ay ku howlanayeen abaabulka falal argagixiso, oo lagu qalqal-gelinayo amniga magaalada.

Marka laga soo taggo in raggaasi sida la sheegay ay ku howlanayeen falal argagixiso, haddana ma jirto wax hub iyo qaraxyo ah oo ciidamadu ay ku soo qabteen.

Taliyaha Saldhigga Booliska Degmada Baraawe, Cabdulqaadir Khaldaan ayaa mar sii horreysay sheegay in ay gacan bir ah ku qaban doonaan amniga magaalo xeebaadkaasi.

Baraawe waa Xarunta Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, inkastoo Madaxda Koonfur Galbeed ay si ku-meel-gaar ah ugu shaqeeyan Magaalada Baydhabo.