Xubno Shabaab oo ku dhintay qarax ay ku aasayeen Degmada Buurdhuubo

Qaraxa oo ahaa mid si weyn looga maqlay Degmada Buurdhuubo ee Gobolka Gedo ayaa gelinkii dambe ee Talaadadii ka dhacay mid ka mida waddooyinka soo gala degmadaasi.
Laba ka mida maleeshiyada Al Shabaab ayaa la sheegay inay damacsanaayeen in ay miinada ku aasaan waddadaasi, balse ay si lama filaan ah ugu la qaraxday halkaasi.
Saraakiisha Ciidamada ayaa goobta ku soo arkay meydadka labadaasi nin iyo qalabkii ay doonayeen in ay miinada ku aasaan.
Ma cadda cidda ay Shabaabku doonayeen inay qaraxaasi ku dhibaateeyaan, balse tani ayaa imaanaysa, iyadoo Jubbaland ay waddo qorshe ay ciidan cusub ku geynayso degmadaasi.
Buurdhuubo ayaa ka mid ah Degmooyinka Gobolka Gedo ee horaan laga saaray maleeshiyadaasi.


