Xubno Xildhibaano ah oo wada mooshin ka dhan ah Raysal Wasaare Xamse Cabdi Barre

Hadal hayn xoog leh ayaa ka dhalatay mooshin ay haatan diyaarinayaan xubno ka tirsan Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka, kaas oo ka dhan ah Raysal Wasaaraha Xukuumadda, Xamse Cabdi Barre.
Tobanaan ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka ayaa la fahamsan yahay in ay saxiixeen mooshin kalsooni kala noqosho ah oo ka dhan ah xukuumadda uu madaxda ka yahay Raysal Wasaare Xamse Cabdi Barre. Xildhibaanadan ayaan la dhacsaneyn doorka hoggaamineed ee Raysal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka.
Xubno ku dhow dhow Aqalka Villa Somalia ayaa la aaminsan yahay in ay qayb ka yihiin Xildhibaanada riixeysa mooshinkan, oo aan si dhab ah loo ogeyn waxa ay qoonsadeen.
Wararka ayaase sheegaya in Xildhibaanadan ay Raysal Wasaaraha ku eedeynayaan xil gudasho la'aan iyo in xukuumaddiisa ay ka mashquushay waajibaadkii qaran ee loo igmaday saddex sano ka hor, isla-markaana ay doonayaan in Raysal Wasaaruhu uu xafiiska banneeyo.
Waajibaadka Xildhibaanada Baarlamaanka ayaa waxaa ka mid ah inay xukuumadda ansixiyaan, in ay ridaan iyo in ay la xisaabtamaan intaba, iyadoo loo marayo amaba la buuxinayo shuruudaha dastuurka, si waafaqsan shuruucda dalka.
Xildhibaanadan oo ah oo laba kooxood oo isku xiran ayaa ku kala sugan Magaalooyinka Nairobi iyo Muqdisho, iyadoo Nairobi ay tahay xudunta halka lagu abaabulayo mooshinka la doonayo in lagu rido Raysal Wasaaraha.
Xubnaha ku sugan Muqdisho ayaa u muuqdo kuwo is qarinayo, marka loo eego kuwooda ku sugan Nairobi, oo halkaasi ka wada dhaqdhaqaaq ay si toos ah taageero ugu raadinayaan mooshinkoodan, waana wax looga bartay siyaasiyadda dalka in marka uu geba-gabo ku dhow yahay muddo xileedka dowladda in la dareemo xiisad siyaasadeed oo ceynkan oo kale ah.
Xildhibaanada Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka ayaa hadda ku maqan fasax, waxaana uu qorshuhu yahay in 23-ka bishan ay ku soo laabtaan shaqada, markaas oo lagu wado in uu furmo Kalfadhigga 7aad ee Baarlamaanka. Fasaxan oo laba bilood ah ayay Xildhibaanadu galeen 22-kii bishii June, wuxuuna kaga egyahay 22-ka bishan.
Xildhibaan Cabdiladiif Muuse Nuur (Sanyare) oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa Jimcihii sheegay in mooshinka ay saxiixeen 120 Xildhibaan, keliya tirada loo baahan yahay in lagu rido xukuumaddana ay ka dhiman yihiin 20 Xildhibaan.
Ma muuqato wax door ahi oo Madaxtooyadu ku leedahay mooshinkan, mana jirto meel la ogyahay oo ay isku khilaafeen Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Raysal Wasaare Xamse Cabdi Barre.
Mooshin kasta oo la doonayo in lagu rido Raysal Wasaaraha dalka ayaan guuleysan, haddii aysan Madaxtooyadu qayb ka ahayn is bedelka lagu sameynayo Golaha Fulinta.
Saamaynta ay Madaxtooyada ku yeelan karto mooshinada ayaa lagu sheegaa mindi laba afle ah, oo hadba loo adeegsado sidii la rabo. Madaxtooyada ayaa ah tan is hortaagi karta in la rido Raysal Wasaaraha ama Gudoomiyaha Baarlamaanka, iyada ayaana ah tan ka shaqayn karta in mooshinada ay meelmaraan. Intii Raysal Wasaareyaal iyo Gudoomiyeyaal Baarlamaan ee dalka ee la riday ayaa waxaa saamayn togan ku lahayd Madaxtooyada oo soo abaabuleysay ridistooda.
Hadda, Madaxtooyada la'aanteed wax cabsi ah lagama qabo in ay dhici doonto xukuumadda uu hoggaamiyo Raysal Wasaare Xamse Cabdi Barre.
Wasiir Kuxigeenka Warfaafinta Somaliya, Cabdiraxmaan Yuusuf Cumar (Alcadaala) ayaa sheegay in Raysal Wasaare Barre iyo xukuumaddiisa oo kaashanaya Xildhibaanada Qaranka ay ku mashquulsan yihiin la dagaalanka kooxaha argagixisada iyo horumarinta dowladnimada, cid wax ka bedeli kartana aysan jirin.
"Raysal Wasaare Xamse iyo xukuumaddiisa oo kaashanaya Xildhibaanada Qaranku waxay ku mashquulsan yihiin dagaalka Khawaarijta iyo dimoqraadiyadeynta dalka. Labo qof oo xantamay waxba xaqiiqadaas kama bedeli karaan." Ayuu yiri Wasiir Kuxigeenka Warfaafinta oo warkan ku sheegay qoraal uu xalay fiidkii soo dhigay bartiisa Facebook.
Wasiirka Dekedaha & Gaadiidka Badda, Cabdiqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) ayaa habeenkii Jimcaha sheegay in Xukuumadda Dan-Qaran aysan ahayn sida uu yiri mid ku baxeysa buuqa afar qof.
Wasiirka Beeraha & Waraabka, Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye) ayaa isna Sabtidii qoraal ku sheegay in xukuumadda uu ka tirsan yahay ay haysato taageerada boqolkiiba sagaashan (90%) ee Xildhibaanada Baarlamaanka, isla-markaana aysan sinna suurtagal u noqon doonin in lagu rido mooshin uu sheegay inay wadaan dad uu ku eedeeyay inay ku shaqeeyan fekradaha iyo talooyinka sirdoono shisheeye, oo sida uu yiri aan Somaliya dan u ahayn.
"Xildhibaanada iyo shacabka Soomaaliyeed way kala xukmin doonaan cidda mudan in la rido xukuumadooda u shaqeynaysa iyo Xildhibaanada maqan ee mooshin loo soo dhiibayo." Ayuu yiri Wasiir Maareeye.
Baarlamaanka 11aad ee Somaliya ayaa sanadihii ugu dambeeyay ahaa mid hal dhinac ka raran, iyadoo ay Xildhibaaadu ka gaabiyeen waajibaadkoodii dastuuriga ahaa, maadaama ay ku milmeen Madaxtooyada.
Mooshinkan ayaa imanaya, iyadoo khilaaf weyn uu Dowladda Federaalka kala dhaxeeyo Dowlad Goboleedyada Puntland iyo Jubbaland.
Dadka qaarkii ayaa mooshinkan u arka mid aan xilligan ku habbooneyn, iyaga oo u sababeynaya duruufaha amniga iyo kan siyaasiga ah ee muddooyinkanba ka jiray dalka.


