Xudur oo lagu soo bandhigay ciidamo ka qayb qaadanaya difaaca Gobolka Bakool

Magaalada Xudur ee Xarunta Gobolka Bakool ayaa lagu soo bandhigay ciidamo ka tirsan Militariga Somaliya, tallaabadan oo lagu muujinayo in magaaladaasi ay ku sugan yihiin ciidan ku filan difaaceeda.

Saraakiil ka tirsan Taliska Qaybta 60aad ee Ciidanka Xoogga Dalka, Maamulka Gobolka Bakool iyo kan degmada ayaa Jimcahan boqolaal askari oo ka tirsan Guutada 6aad ee Qaybta 60aad ku soo bandhigay afaafka hore ee magaaladaasi.

Wararka ayaa sheegaya in ciidamadan ay qayb ka yihiin qorshaha Dowladda Federaalka ee lagu adkeynayo amniga iyo difaaca gobolkaasi, inkastoo Gudoomiyaha Gobolka Bakool, Maxamed Axmed Maxamed oo ciidamada ka hor hadlay uu sheegay in la qaadi doono hawlgal lagu xoreynayo dhulka ay Al Shabaab ka haysato gobolkaasi.

Ciidamada taabacsan Madaxweynihii hore ee Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen) oo 8-dii illaa 16-kii bishan la wareegay Degmooyinka Qansaxdheere, Diinsoor, Berdaale iyo Buurhakaba ee Gobolka Baay ayaa waxay is ballaarintooda ay xiisad ka abuurtay Degmooyinka Gobolka Bakool, gaar ahaan kuwooda xorta ah.

Masuuliyiinta Dowladda Federaalka iyo maamulka cusub ee Koonfur Galbeed ayaa si is daba joog ah ciidamada u daacadda ah Laftagareen ugu eedeeyay in ay iskaashi la leeyihiin maleeshiyada Al Shabaab.

"Annaga sidii Rabdhuure iyo Tiyeeglow aan ku xorayn lahayn ayaan ka fekeraynaa, iyagana waxay ka fekerayaan, sidii ay Xudur ku soo geli lahaayeen." Ayuu yiri Gudoomiyaha Gobolka Bakool oo xusay "Haddii uu Ilaahay yiraahdo Tiyeeglow, Rabdhuure iyo deegaanada kale ee Gobolka Bakool ka joogaan ayaan ka xoreynaynaa."

"Dhufeysyadeenna kuma sugayno ee 25km illaa 45km ayaan uga hortagaynaa." Ayuu yiri Gudoomiyaha oo intaasi ku daray "Meelaheenna ma fadhinayno ee cadowga booskiisa ayaan ugu tagaynaa."

Gobolka Bakool ayaa gelaya marxalad cusub oo dagaal, haddii ciidamada taageersan Laftagareen ay isku dayaan inay magaalooyin ka qabsadaan gobolkaasi.