Xukuumadda oo ansixisay guddi dib-u-eegis ku sameeya Dastuurka KMG

Golaha Wasiirada ee Xukuumadda Federaalka ayaa maanta ansixiyay Guddiga Madaxabannaan ee Dib U Eegista & Hirgelinta Dastuurka KMG.

Guddigan oo 5 xubnood ka kooban ayaa waxaa soo jeedisay oo golahana horkeentay Wasaaradda Caddaaladda & Arrimaha Dastuurka.

Xubnaha la magacaabay ayaa kala ah:

Maxamed Xasan Idiris

Axmed Maxamuud Jaamac

Maxamed Cabdalla Saalax

Farxiya Muumin Cali

Burhaan Aadan Cumar.

Dastuurkan oo la sameeyay sanadkii 2012 ayaan weli lagu guuleysan in la dhameystiro, iyada oo tan iyo xilligaa uu soo maray marxalado kala duwan.

Dadka qaarkii ayaa Dastuurka Qabyo Qoraalka ku tilmaamay mid mashruuc ah, xilli Beesha Caalamka ay tahay cidda dhaqaalaha ku bixineysa, sidii dalka looga hirgelin lahaa. 

Marka laga soo taggo caqabadaha aan sida dhabta ah loo garanayn ee ku gadaaman dhameystirka Dastuurkan Ku-meel-gaarka ahi, haddana dowladihii kala dambeeyay ee dalka ayaa ku dhaqmayay qodobada ku xusan.

Si kastaba ha-ahaatee kolka la soo geba-gabeeyo dib-u-eegista iyo dhameystirka dastuurka ayuu qorshuhu yahay in lagu ansixiyo afti dadweyne, tiiyoo aan la garanayn muddada ay qaadan doonto.